Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Kismaayo oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Kismaayo oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Lix iyo tobnaad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo iyo Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo iyo Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Kismaayo

Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Shan su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Warta Nabadda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Toban iyo lix (16) dhibcood.

Warta Nabadda

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, ma jirin hal su’aal oo ay ka jawaabeen iyo mid ay ka faa’iideysteen intuba, sidaasi darteed tartameyaasha Degmada Warta Nabadda waxay la yimaadeen Eber (0).

Hadaba kulankii 16aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo ah degmada difaacaneysa sanadkan tartanka, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 17aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Dhahar iyo Dharkeynley oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir.

 

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo La Kulmay Nabadoonada iyo Ganacsatada Gobolka Mudug.”SAWIRRO”

Next Post

Golaha Ammaanka oo sheegay in Xukuumaddu ay horumar ka sameysay Qabyo tirka Dastuurka.

Next Post
Golaha Ammaanka oo sheegay in Xukuumaddu ay horumar ka sameysay Qabyo tirka Dastuurka.

Golaha Ammaanka oo sheegay in Xukuumaddu ay horumar ka sameysay Qabyo tirka Dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In