Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 24-aad ee Wareegga 2-aad ku tartamay Degmooyinka Gaalkacyo iyo Wanla-weyn oo ka kala tirsan Goballada Mudug iyo Shabeellaha Hoose. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo iyo Wanla-weyn ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Gaalkacyo
Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Gaalkacyo waxay noqotay Lix (06) dhibcood.
Wanla-weyn
Tartamayaasha Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal oo kaliya, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wanla-weyn waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.
Hadaba kulankii 24-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi, maadaama ujeedka tartanka uu yahay in lagu tartamo cilmi iyo Aqoon.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 24-aad ee tartanka, waxaa jiri doona labo tartan, qeybta 1-aad waxaa ku loolami doona Degmooyinka Kaaraan iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobalka Benaadir,, halka qeybta 2-aad ay is wajihi doonaan Degmooyinka Gubadley iyo C/casiis oo iyana ka wada tirsan Gobalka Benaadir.

Sawir qaade:- Ciise Mukhtaar










