Saturday, November 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee Tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee Tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa labaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Jilib iyo Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

November 14, 2026
Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Baraawe

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Baraawe

November 14, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Jilib Vs Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Guddiga tartanka ayaa ku guuleystay xalinta cabasho ay qabeen tartamayaasha Degmada Warta Nabadda sida uu qabo sharciga u degsan tartanka, waxaana labo dhibcood dib looga soo celiyay tartamayaasha degmada Jilib.

Jilib

Tartameyaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay ma jirin hal su’aal oo ay ka jawabeen, balse waxa ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Warta Nabadda sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jilib ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Warta Nabadda

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Jilib, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warta Nabadda waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 2aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 3aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Xamarweyne iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sanaag.

Previous Post

Akhriso War Murtiyeedka Golaha Horumarinta Qaranka

Next Post

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo mashaariic ka fuliyay Tuulooyin hoos-taga degmada Balcad+Sawirro

Next Post
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo mashaariic ka fuliyay  Tuulooyin hoos-taga degmada Balcad+Sawirro

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo mashaariic ka fuliyay Tuulooyin hoos-taga degmada Balcad+Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

Guddoomiyaha SoDMA oo khudbad ka jeedin doona madasha Soomaaliya ee shirka (COP3)

November 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Nofeembar 2026, khudbad...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Baraawe

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo booqday Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka ee ku sugan degmada Baraawe

November 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO;-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

November 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Antalya ee dalka Türkiye kulan kula yeeshay Madaxweynaha...

Madaxtooyada Soomaaliya oo war kasoo saartay Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxtooyada Soomaaliya oo war kasoo saartay Gogosha Wadatashiga Qaran

November 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay wargelinaysaa in ay socdaan xiriirro lala yeelanayo dhinacyada lagu casuumay gogosha Wadatashiga Qaran, taas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In