Friday, August 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Xamar Jajab oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Xamar Jajab oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Shan iyo tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Gaalkacyo iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo iyo Xamar Jajab ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Gaalkacyo

Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Xamar Jajab, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Gaalkacyo, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar Jajab waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Tartanka caawa oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waqtigii loogu talagalay tartanka labada Degmo ee Gaalkacyo iyo Xamar Jajab waxa uu ku soo idlaaday bar bar dhac 8–8, waxaana lagu daray su’aalo dheeri ah si loo kala saaro labada degmo sida uu dhigayo sharciga tartanka.

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ayaa si sax ah uga jawaabay su’aashii sideedaad ee la weydiiyay, balse tartamayaasha Gaalkacyo ayaa dhankooda iska qalday su’aashii dheeriga ahayd, dhigooda Xamar Jajab kama aysan faa’iideysan fursadaas, waxaana wadarta guud ee dhibcaha ay la yidaameen Xamar Jajab noqotay 10 dhibcood, halka Gaalkacyo ay la timid 8 dhibcood oo qura.

Hadaba kulankii 15aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 16aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona kulanka koowaad ee wareegga labaad Degmooyinka Warta Nabadda iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, kuwaasi oo sanadkii tegay ku kulmay kulankii kama dambeysta ahaa, iyadoo ay tartanka ku guuleysatay Kismaayo oo sanadkan difaacaneysa..

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo Safiirka UK oo hoosta ka wada xariiqay qoto dheeridda xiriirka laba geesoodka

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo Safiirka UK oo hoosta ka wada xariiqay qoto dheeridda xiriirka laba geesoodka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS iyo Safiirka UK oo hoosta ka wada xariiqay qoto dheeridda xiriirka laba geesoodka

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In