Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
DAAWO: Tartamayaasha Degmada Shibis oo caawa si fudud ugu soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Tartameyaasha labada degmo ee Deyniile iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Deyniile

Tartameyaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Deyniile ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Yaaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Buulaburte iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Baay.

 

Previous Post

Wargelin ku socoto Akhristayaasha Warbaahinta Qaranka

Next Post

Waaya-aragnimo: Sida ay W. Waxbarashada u maamusho Imtixaanka & arrinka qishka la xiriira !

Next Post
Waaya-aragnimo: Sida ay W. Waxbarashada u maamusho Imtixaanka & arrinka qishka la xiriira !

Waaya-aragnimo: Sida ay W. Waxbarashada u maamusho Imtixaanka & arrinka qishka la xiriira !

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In