Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaashii ka qeyb galay tartan aqooneedkii ay Warfaafinta qabatay oo la abaal mariyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaashii ka qeyb galay tartan aqooneedkii ay Warfaafinta qabatay oo la abaal mariyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu soo gabo gabeynayay tartan cilmiyeedkii bisha barakeysan ee Ramadaan oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir, wakiilo ka kala socday tartamayaashii kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad galay iyo marti sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Sakariye Maxamed Axmed oo ku hadlayay magaca tartamayaashii ka qeyb galay tartan aqooneedkii ay iska kaashadeen Wasaaradda Warfaafinta iyo maamulka Gobolka, oo laga baahiyay Radio Muqdisho iyo Telefeshinka Qaranka ayaa sheega in Wasaaradda Warfaafinta uu uga mahadcelinayo sida ay u tartansiisay arday Soomaaliyeed oo matalayay 32 degmo oo ka tirsan degmooyinka gobollada dalkeena.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Cismaan Maxamuud Cadaawe oo ka hadlay goobta ayaa ugu horeyn mahadcelin u jeediyay tartamayaasha degmada Yaaqshiid ee ku guuleystay tartankii bishii Ramadaan ee ay Wasaaraddu qabatay, waxaana uu bogaadiyay in tartanka la dhiiri geliyo.

Agaasimaha Radio Muqdisho Cabdirixiin Ciise Caddow oo goobta hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in u jeedka Wasaaradda ay ka lahayd tartanka ay tahay sidii aqoon loo kala faa’iidi lahaa, isagoo guddigii ka shaqeeyay tartanka uga mahadceliyay taabo gelinta tartanka inta uu socday.

Agaasimaha Telefeshinka Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala ayaa sheegay in maamulka gobolka ay uga mahadcelinayaan taabo gelinta tartanka, waxaana uu tartamayaashii ka qeyb galay ku bogaadiyay sida ay uga faa’iideysteen aqoontiii lagu tartamayay, ayna qorsheynayaan in cilmigii laga faa’iideeyay lagu soo daabici doono buugaag.

Ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka ee dhanka siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in arday Soomaaliyeed ay ku tartamaan aqoon, isagoo intaa ku daray in hadafkii laga lahaa tartanka ay wax badan ka hirgaleen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa sheegay in Wasaaraddu ay joogteyn doono tartan aqooneedka lagu kobcinayo garaadka bulshada Soomaaliyeed, isagoo cudur daar ka bixiyay waqtiga la qabtay xafladda, maadaama uu Maamulka Wasaaradda qorsheeyay in kal hore la qabto xafladdan.

Ugu dambeyn ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Bekos ayaa ugu horeyn hambalyo u diray dhamaan intii ka qeyb gashay tartanka, isagoo si gaar ah u mahadceliyay kuwii galay kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad ee tartankii

Gabo gabadii tartamayaasha degmada Yaaqshiid waxaa la guddoonsiiyay 2,000 (labo kun) oo doolar, halka tartamayaasha degmada Baydhabo la siiyay 1,500 (kun iyo shan boqol) waxaana tartamayaasha degmada Jawiil oo kaalinta saddexaad galay la guddoonsiiyay 1,000 (kun doolar), sidoo kale talefeshinka Qaranka ayaa la guddoonsiiyay camera video oo loogu talagalay in loogu adeego bulshada.

DSC06036 DSC06037 DSC06038 DSC06040 DSC06041 DSC06042 DSC06043 DSC06044 DSC06045 DSC06049 DSC06053 DSC06054 DSC06055 DSC06062 DSC06064 DSC06066 DSC06070 DSC06078 DSC06079 DSC06082 DSC06089 DSC06093 DSC06100 DSC06109 DSC06114 DSC06117 DSC06035 DSC06036 DSC06151 DSC06122 DSC06125 DSC06127 DSC06130 DSC06149

 

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

 

 

Previous Post

Meletariga Burkina Faso oo xoog kula wareegay xarunta madaxtooyada

Next Post

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Wasaaradda duulista

Next Post
Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Wasaaradda duulista

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Wasaaradda duulista

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In