Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartameyaasha Degmada Wadajir oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartameyaasha Degmada Wadajir oo caawa u gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 20aad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Gaalkacyo Vs Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee  Gaalkacyo Vs Wadajir ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

January 26, 2026
Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

January 26, 2026

Gaalkacyo

Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo Gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartameyaasha Degmada Gaalkacyo, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Wadajir

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, waxa ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Gaalkacyo, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay Labo iyo toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 20aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga 3aad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 21aad  ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Dhahar iyo Warta Nabadda oo ka ka tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir.

Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur 

 

Previous Post

Musharax CC Shakuur oo soo dhaweeyey mas’uuliyadii maanta lagu wareejiyey R/Wasaare Rooble

Next Post

Akhriso Khudbaddii Madaxweynaha Dalka uu ka jeediyay kulanka gaarka ah ee Golaha Shacabka

Next Post
Akhriso Khudbaddii Madaxweynaha Dalka uu ka jeediyay kulanka gaarka ah ee Golaha Shacabka

Akhriso Khudbaddii Madaxweynaha Dalka uu ka jeediyay kulanka gaarka ah ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo ka galay daah-furka qorshaha ka-jawaabista baahiyaha Beni’aadaannimo ee 2026

January 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qayb-galay munaasabadda daah-furka Qorshaha Ka-jawaabista Baahiyaha Beni’aadaannimo...

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

January 26, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya. waxaana oggolaaday...

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

January 26, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeennada koowaad...

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In