Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartan isboorti oo ku saabsan isdhexgalka bulsahda oo ka furmay degmada Jowhar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo laga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan kubadda cagta ah oo ku saabsan soo nooleenta Isboortiga iyo Farshaxanka ayaa ka furmay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasi oo loo qabtay afar koox.

Ujeeddada tartankan cayaaraha kubadda cagta oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ah sidii dib loogu soo nooleen lahaa cayaaraha Gobolka iyo Farshaxanka, ayadoo ay ku tartamayeen labo koxood oo kala ah Elman iyo Bada oo ka mid ah kooxaha ka dhisan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Cayaartaan kubbadda cagta ee ka dhacday magaaladda Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayadoo barbar dhac ay ku dhamaatay cayaartaasi oo lagu dhiiro gelinayay isdhexgalka bulshada iyo soo nooleynta Isboortiga iyo farshaxanka.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta degmada Jowhar Ismaaciil Cali Suubiye ka hadlay ahmiyadda tartankan cayaaraha ay u leeyihiin bulshada.

“Maanta waa maalin farxad noo ah haddii aan nahay bahda isboortiga, waxaan si qaasa ah ugu mahadcelinayaah maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, oo had iyo jeer u taagan sidii u dhiri geli lahaa,waxaan kaloo u mahad celinayaa Wasaaradda Warfaafinta oo nagu dhiiri gelisay qabashada tartankan Isboorti” ayuu yiri Ismaaciil Cali.

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay barnaamijyadan wacyi gelinta oo ay wado Wasaaradda Warfaafinta.

“Waxaan si weyn ugu amaanayaa barnaamijkani soo nooleeynta Isboortiga iyo farshaxanka, Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, sida ay ugarab taaganyihiin isboortiga, inaguna haddii aynunhay maamulka gobalka, mar walba waxaan diyaar u nahay in aan horumarino isbootiga madaama uu yahay is dhexgalka bulshada”. Ayuu yiri Guddoomiye Cali Guudlaawe.

Ugu danbeyntii mas’uuliyiinta waxa ay guddoon siiyeen agab isboorti afar koox oo ay Wasaaradda Warfaafintu, ugu tala gashay kooxaha ka dhisan degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Previous Post

Tartamayaaasha Degmada Kismaayo oo caawa u soo gudbay Afaraad “Dhageyso”

Next Post

Arday ku tartameysay Akhriska Qur’aanka Kariimka ah oo kulan afur ah loogu sameeyay Garoowe “SAWIRRO

Next Post
Arday ku tartameysay Akhriska Qur’aanka Kariimka ah oo kulan afur ah loogu sameeyay Garoowe “SAWIRRO

Arday ku tartameysay Akhriska Qur’aanka Kariimka ah oo kulan afur ah loogu sameeyay Garoowe “SAWIRRO

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In