Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan isboorti oo lagu soo gabo gabeeyay degmada Wadajir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Tartan isboorti oo lagu soo gabo gabeeyay degmada Wadajir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu soo gabo gabeynayay tartan isboorti oo lagu qabta degmada Wadajir ayaa lagu qabtay xarunta degmada ee Maamulkaasi, kaasi oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir, dadweyne aad u fara badan iyo marti sharaf kale, kaasi oo koob iyo abaal marino kale lagu gudoonsiinayay kooxihii ka qeyb galay tartanka.

Sidoo kale xafladda waxaa ka qeyb galay bar baarta gaashaaman ee degmada Wadajir kuwaasi oo suugaan ku soo gudbinayay horumarka dhanka Isboorti ee degmada.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Guddoomiyaha degmada Wadajir ee gobalka Banaadir Axmed Cabdulle Afrax ayaa munaasada ka sheegay in dadka reer Wadajir ay yihiin kuwa la shaqeeya maamulka degmada, isagoo dhinaca kale ugu baaqay shacabka in door muuqda ay ka qaatan nabad gelyada iyo ishaxgalka bulshada.

“Waa in aan halkaan kasii wadnaa horumarinta nabad gelyada, la shaqeyanata hey’adaha ammaanka, horumarinta Isboortiga waxbarashada iyo caafimaadka, waa in aad si wadajir ah isku kaashatan cidkasto oo horumarka degmada door ka qaata waan abaal marin doona sida maanta aan u abaal mari neyso dhalinyarada ku guuleysatay tartanka isdhaxgalka bulshada”ayuu yiri Axmed Cabdulle Afrax.

Guddoomiye ku-xigeenka siyaasada ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo bulshada degmada Wadajir in ay sida ay ugu wada shaqeeyan nabadda iyo bilicda degmada.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay sida ay isku abaabuleyn  shacabka degmada Wadajir, waxaa la idin ka doonaya in aad la shaqeysan maamulkiina iyo laamaha amniga si looga guuleyso cadowga doonaya in uu qal qal geliyo amniga degmada, sidoo kale waa in aad xoojisaan is dhaxagalka Bulshada ee Degmada”ayuu yiri Guddoomiye ku-xigenka siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir.

Kooxdii ku guuleystay tartankii isboorti ee degmada Wadajir iyo kuwii galay kaalimaha fiican la guddoonsiisay koob, bilado iyo lacag, taasi oo ahayd mid lagu dhiiri gelinayay dhaliyaradii ka qeyb qaadatay tartanka.

Dhinaca kale Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasada ee maamulka gobalka Banaadir ayaa xariga ka jaray suuqa weyn Madiina ee degmada Wadajir oo dhawaan maamulka degmada ay dib u dayactir ku sameeyen.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Baarlamaanka oo ka doodaya hindise sharciyeedka Isgaarsiinta dalka

Next Post
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

Baarlamaanka oo ka doodaya hindise sharciyeedka Isgaarsiinta dalka

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In