Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartan kubadda cagta ah oo lagu soo gabo gabeeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartan kubadda cagta ah oo lagu soo gabo gabeeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xiiso iyo xamaasad gaar ah ayuu kusoo idlaadey horyaalka xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb ee shaqada sanadian ay ku tartameen naadiyada shanta xaafadood ee Caasimadda , oo ugu dambeyn kulanka dhamaadka tartanka ay isla soo gaareen Ciyaaryahanada Xaafadaha Dayax iyo Waaberi.

Kulanka xiritaanka oo ay ka qayb galeen Mas’uuliyiinta sare ee Galmudug sida Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka, Saraakiisha Ciidamada iyo Madaxda Maamulka Dhuusamareeb ayaa abaalmarino goobta lagu gudoonsiiyey ciyaartooyda xaafada Dayax oo hal gool iyo waxba kaga adkaatey 1-0 dhigooda Waabari oo ay kulankan kama dambeysta ah isla soo gaareen.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Maxamed Nuur Maxamed, Guddoomiyaha Ururka Isboortiga Dhuusamareeb ayaa kooxaha tartankan ka qayb galey kaga mahadceliyay kaalintooda.

Dr. Mahad Cabdulaahi Nuur, madaxii hore ee hoggaamka Caafimaadka Ciidanka Xoogga dalka oo ka mid ahaa Mas’uuliyiiinta ka qayb gashey munaasabadda ayaa Dhallinyarada Cayaaraha ku amaaney sida ay u abaabuleen Dhallinyarada jecel Kubbada Cagta, una dhiiri-galinayaan nabada.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Magaalada Dhuusamareeb, Gaashaanle Maxamed Xassan Sanjeex oo ka waramey dadaalka ciidanka amnigu ku bixiyeen ciyaarahan soo idlaadey ee xaafadaha Dhuusamareeb ayaa rajeeyay in tartamada nuucaan ah ay qayb ka qaataan is dhexgalka bulshada iyo nabadgalyada deegaanka.

Ugu dambeyn gunaanadka munaasabadda ayaa dhamaan ciyaartooyda guushu raacdey ee dayax lagu gudoonsiiyey abaalmarino uu qaarkood u xiray ciyaaryahanada Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, kuna booriyay inay joogteeyaan cayaaraha nuucaani oo kale ah oo ku saabsan isdhexgalka bulshada.

 

Previous Post

Guddiga hirgelinta doorashooyinka oo shaaciyay Jadwalka Guud ee Doorashada Baarlamaanka Labada Aqal ee Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo dhaweeyey Jadwalka doorashooyinka ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta doorashada

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo dhaweeyey Jadwalka doorashooyinka ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta doorashada

Ra'iisul Wasaare Rooble oo soo dhaweeyey Jadwalka doorashooyinka ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta doorashada

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In