Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartan kubadda cagta ah oo lagu soo gabo gabeeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartan kubadda cagta ah oo lagu soo gabo gabeeyay Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xiiso iyo xamaasad gaar ah ayuu kusoo idlaadey horyaalka xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb ee shaqada sanadian ay ku tartameen naadiyada shanta xaafadood ee Caasimadda , oo ugu dambeyn kulanka dhamaadka tartanka ay isla soo gaareen Ciyaaryahanada Xaafadaha Dayax iyo Waaberi.

Kulanka xiritaanka oo ay ka qayb galeen Mas’uuliyiinta sare ee Galmudug sida Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka, Saraakiisha Ciidamada iyo Madaxda Maamulka Dhuusamareeb ayaa abaalmarino goobta lagu gudoonsiiyey ciyaartooyda xaafada Dayax oo hal gool iyo waxba kaga adkaatey 1-0 dhigooda Waabari oo ay kulankan kama dambeysta ah isla soo gaareen.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Maxamed Nuur Maxamed, Guddoomiyaha Ururka Isboortiga Dhuusamareeb ayaa kooxaha tartankan ka qayb galey kaga mahadceliyay kaalintooda.

Dr. Mahad Cabdulaahi Nuur, madaxii hore ee hoggaamka Caafimaadka Ciidanka Xoogga dalka oo ka mid ahaa Mas’uuliyiiinta ka qayb gashey munaasabadda ayaa Dhallinyarada Cayaaraha ku amaaney sida ay u abaabuleen Dhallinyarada jecel Kubbada Cagta, una dhiiri-galinayaan nabada.

Taliyaha Saldhigga Booliiska Magaalada Dhuusamareeb, Gaashaanle Maxamed Xassan Sanjeex oo ka waramey dadaalka ciidanka amnigu ku bixiyeen ciyaarahan soo idlaadey ee xaafadaha Dhuusamareeb ayaa rajeeyay in tartamada nuucaan ah ay qayb ka qaataan is dhexgalka bulshada iyo nabadgalyada deegaanka.

Ugu dambeyn gunaanadka munaasabadda ayaa dhamaan ciyaartooyda guushu raacdey ee dayax lagu gudoonsiiyey abaalmarino uu qaarkood u xiray ciyaaryahanada Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, kuna booriyay inay joogteeyaan cayaaraha nuucaani oo kale ah oo ku saabsan isdhexgalka bulshada.

Previous Post

Guddiga hirgelinta doorashooyinka oo shaaciyay Jadwalka Guud ee Doorashada Baarlamaanka Labada Aqal ee Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo dhaweeyey Jadwalka doorashooyinka ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta doorashada

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo dhaweeyey Jadwalka doorashooyinka ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta doorashada

Ra'iisul Wasaare Rooble oo soo dhaweeyey Jadwalka doorashooyinka ee ay soo saareen Guddiga Hirgelinta doorashada

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In