Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartankaani oo noqonaya kii 4aad ee ay qabato Mu’asasada Alminhaaj ee Gobolka Mudug ayaa waxaa Xaflad weyn oo lagu soo gaba gabaynayay lagu qabtay Masjidka Abii Hurayra ee Magaalada Gaalkacyo.

Tartanka ayaa wuxuu soo bilowday Maalintii Khamiista 08.06.2017 oo ku beegnayd 13.Ramadaan.1438 waxaana ka qayb galay: Gaalkacyo, Galdogob, Balibusle, Cagaaran iyo Dhagaxyacade, guud ahaan Ardayda ka qayb galay waxaa tiradoodu ay ahayd 62, iyada oo laba ardayna aysan u suura galin inay ka qayb galaan.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Dugsiyada ka qayb galaya ayaa waxay ahaayeen:

Gaalkacyo : (Bukhaari, Ubayyi binu Kacab 1, Ubayyi binu Kacab 2, Cumar binu Khadaab, Nuurul-yaqiin, Umul-qura, Qalam, Daarul-biri, Maxmuud Khaliil, Daarul-hidaaya)

Galdogob: (Furqaan, Umul-qura, Rawda)

Balibusle :(Tawxiid), Cagaaran (Sunnah), Dhagaxyacade (Imaamu Maalik).

Munaasabada gaba gabada Tartanka ayaa waxaa ka hadlay Dr.Aadam Maxamed Cigaal waxaana uu bogaaday Tartanka, isagoo adkeeyay Muhiimadda ay leedahay in Degmooyinka Gobolka oo dhan ay kasoo qayb galaan Tartanka, waxaana uu cod dheer ugu yeeray Degmooyinka aan kasoo qayb galin Tartanka Sanadkaan.

Guddoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj ee Gobolka Mudug Cawil Axmed Muumin ayaa waxaa uu ka hadlay Muhiimada Tartankaan iyo Ujeedooyinkiisa waxaana uu sheegay inay rajaynayaan Ardayda Tartanka Kaalmaha hore ka galay in ay Tartanka Guud ee Heer Puntland ay Guul kasoo hoyn doonaan.

Yaasiin Maxamuud Takar Maareeyaha Shirkadda NEPCO oo maalgalisa Tartanka ayaa waxaa uu sheegay inay Diyaar u yihiin Horumarinta Barnaamijkaan iyo kuwo Khayriga ah ee Xiriirka.

Imaam C/wahaab Maxamuud Gurey oo Xaflada soo xiray ayaa waxuu bogaadiyay Cid walba oo Tartankaan ka shaqaysay waxaana uu Waalidka uga digay Sadex Cilad oo Carruurta ka hor istaagta inay si wanaagsan wax u bartaan waxayna kala yihiin (Banooni, Moobayl iyo Telefishin).

Kaalinta Magaca Dugsiga Magaalada
1aad, 30ka Ibraahim Maxamed Sh.Ibraahim Daarul-hidaaya Gaalkacyo
2aad, 30ka C/raxmaan Xasan Aadam Furqaan Galdogob
3aad, 30ka Maxamed Cawil Maxamed Daarul-biri Gaalkacyo
1aad, 20ka Axmed Sh.Mahad C/laahi Furqaan Galdogob
2aad, 20ka Ilyaas Bishaar Faarax Sunnah Cagaaran
3aad, 20ka Ayuub C/haadi Cumar Ubayi binu Kacab Gaalkacyo
1aad, 10ka Maxamed Maxamuud Xuseen Umul-qura Galdogob
2aad, 10ka C/raxmaan Cali C/qaadir Daarul-biri Gaalkacyo
3aad, 10ka Xasan C/waaxid Jaamac Umul-qura Gaalkacyo
1aad, 5ta Yaxye Cismaan Maxamed Daarul-hidaaya Gaalkacyo
2aad, 5ta Jamaal Deeq Maxamed Daarul-biri Gaalkacyo
3aad, 5ta Maxamed Axmed Maxamed Daarul-biri Gaalkacyo

 

Gab gabadii Xafladda waxaa Shahaado Sharaf la gudoonsiiyay Maamulka Shirkadda NEPCO, Maamulka Masjid Abii Hurayra iyo Gudigii Garsoorka ee Tartanka, iyada oo la abaal mariyay Ardaydii Kaalmaha Hore ka galay Tartanka Quraanka ee Gobolka waxayna kala ahaayeen:

 Mu’asasada Alminhaaj Gaalkacyo

Previous Post

Maamulka Degmada Heliwaa oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa ee dalka Ethiopia “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa ee dalka Ethiopia “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa ee dalka Ethiopia "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In