Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Tartan Qur’aan akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartankaani oo noqonaya kii 4aad ee ay qabato Mu’asasada Alminhaaj ee Gobolka Mudug ayaa waxaa Xaflad weyn oo lagu soo gaba gabaynayay lagu qabtay Masjidka Abii Hurayra ee Magaalada Gaalkacyo.

Tartanka ayaa wuxuu soo bilowday Maalintii Khamiista 08.06.2017 oo ku beegnayd 13.Ramadaan.1438 waxaana ka qayb galay: Gaalkacyo, Galdogob, Balibusle, Cagaaran iyo Dhagaxyacade, guud ahaan Ardayda ka qayb galay waxaa tiradoodu ay ahayd 62, iyada oo laba ardayna aysan u suura galin inay ka qayb galaan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Dugsiyada ka qayb galaya ayaa waxay ahaayeen:

Gaalkacyo : (Bukhaari, Ubayyi binu Kacab 1, Ubayyi binu Kacab 2, Cumar binu Khadaab, Nuurul-yaqiin, Umul-qura, Qalam, Daarul-biri, Maxmuud Khaliil, Daarul-hidaaya)

Galdogob: (Furqaan, Umul-qura, Rawda)

Balibusle :(Tawxiid), Cagaaran (Sunnah), Dhagaxyacade (Imaamu Maalik).

Munaasabada gaba gabada Tartanka ayaa waxaa ka hadlay Dr.Aadam Maxamed Cigaal waxaana uu bogaaday Tartanka, isagoo adkeeyay Muhiimadda ay leedahay in Degmooyinka Gobolka oo dhan ay kasoo qayb galaan Tartanka, waxaana uu cod dheer ugu yeeray Degmooyinka aan kasoo qayb galin Tartanka Sanadkaan.

Guddoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj ee Gobolka Mudug Cawil Axmed Muumin ayaa waxaa uu ka hadlay Muhiimada Tartankaan iyo Ujeedooyinkiisa waxaana uu sheegay inay rajaynayaan Ardayda Tartanka Kaalmaha hore ka galay in ay Tartanka Guud ee Heer Puntland ay Guul kasoo hoyn doonaan.

Yaasiin Maxamuud Takar Maareeyaha Shirkadda NEPCO oo maalgalisa Tartanka ayaa waxaa uu sheegay inay Diyaar u yihiin Horumarinta Barnaamijkaan iyo kuwo Khayriga ah ee Xiriirka.

Imaam C/wahaab Maxamuud Gurey oo Xaflada soo xiray ayaa waxuu bogaadiyay Cid walba oo Tartankaan ka shaqaysay waxaana uu Waalidka uga digay Sadex Cilad oo Carruurta ka hor istaagta inay si wanaagsan wax u bartaan waxayna kala yihiin (Banooni, Moobayl iyo Telefishin).

Kaalinta Magaca Dugsiga Magaalada
1aad, 30ka Ibraahim Maxamed Sh.Ibraahim Daarul-hidaaya Gaalkacyo
2aad, 30ka C/raxmaan Xasan Aadam Furqaan Galdogob
3aad, 30ka Maxamed Cawil Maxamed Daarul-biri Gaalkacyo
1aad, 20ka Axmed Sh.Mahad C/laahi Furqaan Galdogob
2aad, 20ka Ilyaas Bishaar Faarax Sunnah Cagaaran
3aad, 20ka Ayuub C/haadi Cumar Ubayi binu Kacab Gaalkacyo
1aad, 10ka Maxamed Maxamuud Xuseen Umul-qura Galdogob
2aad, 10ka C/raxmaan Cali C/qaadir Daarul-biri Gaalkacyo
3aad, 10ka Xasan C/waaxid Jaamac Umul-qura Gaalkacyo
1aad, 5ta Yaxye Cismaan Maxamed Daarul-hidaaya Gaalkacyo
2aad, 5ta Jamaal Deeq Maxamed Daarul-biri Gaalkacyo
3aad, 5ta Maxamed Axmed Maxamed Daarul-biri Gaalkacyo

 

Gab gabadii Xafladda waxaa Shahaado Sharaf la gudoonsiiyay Maamulka Shirkadda NEPCO, Maamulka Masjid Abii Hurayra iyo Gudigii Garsoorka ee Tartanka, iyada oo la abaal mariyay Ardaydii Kaalmaha Hore ka galay Tartanka Quraanka ee Gobolka waxayna kala ahaayeen:

 Mu’asasada Alminhaaj Gaalkacyo

Previous Post

Maamulka Degmada Heliwaa oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa ee dalka Ethiopia “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa ee dalka Ethiopia “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa ee dalka Ethiopia "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In