Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan Qur’aan Akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Nairobi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Tartan Qur’aan Akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Nairobi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadani oo ahayd mid lagu abaal marinayay arday da’ yar ah oo ku guuleysatayTartan qur’aanka kariimka ah oo la qabtay horaantii bisha barakeysan ee Ramadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimaa’udiin uu ka mid ahaa Shiikh Maxamed Cabdi Umal,imaamyada masaajidda magaalada Nairobi,macaliminta dugsiyada quranka iyo dadweyne aad u fara badan.

Tartankani Aqrinta quranka karimka ee bisha Ramadan oo ay ku tartamayeen arday ka kala socotay dugsiyada quranka ee dalkani Kenya,islamarkaana ay soo qaban qaabisay dalladda dugsiyada quranka ee kenya ayaa waxaa abaalmarinno kala duwan lagu gudoonsiiyay Ardaydii gashay kaalmaha hore,iyadoo Ardaydii gashay kaalinta 1-aad ee qur’anka oo dhan la gudoonsiiyay lacag gaareysa 60,000 oo ah lacagta dalkani Kenya iyo hadiyado kale.

Related posts

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026

Gudoomiyaha dalladda dugsiyada Qur’anka ee kenya Cismaan Maxamed Ismaaciil ayaa waxa uu ka warbixiyay Tartanka Aqrinta qur;anka kariimka iyo Abaaalmarinadii ay gudoonsiiyeen Ardaydii kaalmaha hore ka galay tartanka.

“halkani maanta waxan u fadhinaa xafladii lagu soo xirayay oo abaalmarinada lagu gudoonsiinayay ardaydii ka qeyb qaadatay tartarkii qur’anka oo dhacay labo todobaad ka hor taariikhda markay ahayd 8-ilaa 9-kii bishan,wuxuna ahaa tartankii sanadlaha ahaa alle mahadii wuu noo qabsoomay,runtii tirada kasoo qeyb gashayna aad ayey u badnaayeen sanadihii hore wuu ka badnaa sanadkan ilaa 150 arday ayaa kasoo qeyb gashay,sanadihii horana waxay ahaan jireen ilaa 100 arday ,runtii tartan aad u qiimo badan ayuu ahaaa ardaydii kaalinta 1 aad ee qur’aanka oo dhan gashay waxay haleen 60,000 sidii ay isugu xigeen ardayda ilaa kaalinta 3-aad alle mahadii tartankii ay soo qaban qaabisay dallada dugsiyada quranka ee kenya maanta ayan soo gabagabeeynay oo ay soo qaban qaabisay dalada dugsiyada qur’anka ee Kenya maanta ayaan soo gabagabeynay”Ayuu yiri Cismaan Maxamed Ismaaciil.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimaa’udiinka waaweyn ee somasliyeed oo gabagabadii munasabada kalmad dardaaran ah ka jeediyay ayaa waxa uu ku baaqay in la xoojiyo lana sii wado tartamada Aqrinta Qur’anka ee loo qabanayo Ardayda Soomaliyeed.

“Dadaalka la bixiyay mirihiisa way muuqdaan in la sii wadana waa loo baahan yahay,anagana guud ahaan farxad bay inoo tahay in aan aragno caruurteena oo qur’anka baraneysa kuna tartamaysa,bisha Ramadaan meelo badan ayay tartamadani oo kale ay ka socdaan waa bishii qur;anka,ilmiha in la dhiiri geliyana aad ayay muhiim u tahay, kuwii qur’anka bartayna in ay sii hayaan kuwa kalana ay ku daydaan”Ayuu yiri Shiikh Maxamed Cabdi Umal.

“Quranka xifdintiisa waan ku fiicanahay hadan nahay soomaalida laakiin aan ku darno qur’anka macnihiisa oo aan barano, in aan xifidno oo aan macnihiisa umi ka nahay waa ceeb marka waa meel banan oo u baahanahay in la buuxiyo”Ayuu yiri sii raaciyay Shiikh Umal.

Magaalada Nairobi ayaa sanad kasta waxaa bisha barakeysan ee Ramadaan lagu qabtaa tartamo lagu weyneynayo xifdinta qur’aanka kariimka.

 

1 2 3 10 11 12 13 4 5 6 7 8 9

Previous Post

Cidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo howlgallo ka wada duleedka Leego

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In