Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan Qur’aan Akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Nairobi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Tartan Qur’aan Akhris ah oo lagu soo gabo gabeeyay Nairobi “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadani oo ahayd mid lagu abaal marinayay arday da’ yar ah oo ku guuleysatayTartan qur’aanka kariimka ah oo la qabtay horaantii bisha barakeysan ee Ramadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimaa’udiin uu ka mid ahaa Shiikh Maxamed Cabdi Umal,imaamyada masaajidda magaalada Nairobi,macaliminta dugsiyada quranka iyo dadweyne aad u fara badan.

Tartankani Aqrinta quranka karimka ee bisha Ramadan oo ay ku tartamayeen arday ka kala socotay dugsiyada quranka ee dalkani Kenya,islamarkaana ay soo qaban qaabisay dalladda dugsiyada quranka ee kenya ayaa waxaa abaalmarinno kala duwan lagu gudoonsiiyay Ardaydii gashay kaalmaha hore,iyadoo Ardaydii gashay kaalinta 1-aad ee qur’anka oo dhan la gudoonsiiyay lacag gaareysa 60,000 oo ah lacagta dalkani Kenya iyo hadiyado kale.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Gudoomiyaha dalladda dugsiyada Qur’anka ee kenya Cismaan Maxamed Ismaaciil ayaa waxa uu ka warbixiyay Tartanka Aqrinta qur;anka kariimka iyo Abaaalmarinadii ay gudoonsiiyeen Ardaydii kaalmaha hore ka galay tartanka.

“halkani maanta waxan u fadhinaa xafladii lagu soo xirayay oo abaalmarinada lagu gudoonsiinayay ardaydii ka qeyb qaadatay tartarkii qur’anka oo dhacay labo todobaad ka hor taariikhda markay ahayd 8-ilaa 9-kii bishan,wuxuna ahaa tartankii sanadlaha ahaa alle mahadii wuu noo qabsoomay,runtii tirada kasoo qeyb gashayna aad ayey u badnaayeen sanadihii hore wuu ka badnaa sanadkan ilaa 150 arday ayaa kasoo qeyb gashay,sanadihii horana waxay ahaan jireen ilaa 100 arday ,runtii tartan aad u qiimo badan ayuu ahaaa ardaydii kaalinta 1 aad ee qur’aanka oo dhan gashay waxay haleen 60,000 sidii ay isugu xigeen ardayda ilaa kaalinta 3-aad alle mahadii tartankii ay soo qaban qaabisay dallada dugsiyada quranka ee kenya maanta ayan soo gabagabeeynay oo ay soo qaban qaabisay dalada dugsiyada qur’anka ee Kenya maanta ayaan soo gabagabeynay”Ayuu yiri Cismaan Maxamed Ismaaciil.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimaa’udiinka waaweyn ee somasliyeed oo gabagabadii munasabada kalmad dardaaran ah ka jeediyay ayaa waxa uu ku baaqay in la xoojiyo lana sii wado tartamada Aqrinta Qur’anka ee loo qabanayo Ardayda Soomaliyeed.

“Dadaalka la bixiyay mirihiisa way muuqdaan in la sii wadana waa loo baahan yahay,anagana guud ahaan farxad bay inoo tahay in aan aragno caruurteena oo qur’anka baraneysa kuna tartamaysa,bisha Ramadaan meelo badan ayay tartamadani oo kale ay ka socdaan waa bishii qur;anka,ilmiha in la dhiiri geliyana aad ayay muhiim u tahay, kuwii qur’anka bartayna in ay sii hayaan kuwa kalana ay ku daydaan”Ayuu yiri Shiikh Maxamed Cabdi Umal.

“Quranka xifdintiisa waan ku fiicanahay hadan nahay soomaalida laakiin aan ku darno qur’anka macnihiisa oo aan barano, in aan xifidno oo aan macnihiisa umi ka nahay waa ceeb marka waa meel banan oo u baahanahay in la buuxiyo”Ayuu yiri sii raaciyay Shiikh Umal.

Magaalada Nairobi ayaa sanad kasta waxaa bisha barakeysan ee Ramadaan lagu qabtaa tartamo lagu weyneynayo xifdinta qur’aanka kariimka.

 

1 2 3 10 11 12 13 4 5 6 7 8 9

Previous Post

Cidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo howlgallo ka wada duleedka Leego

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In