Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartan Qur’aan akhris ah oo loo qabtay arday Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan lagu furayay tartan Quraan  akhris ah  oo ay ku tartamayeen 50 arday oo laga soo  kala xulay dugsiyada Quraanka  Kariimka ee  ku yaala  degmooyinka  gobolka banaadir  ayaa maanta  lagu qabtay magaalada Muqdisho

Munaasabada ayaa waxa soo qabanqaabiyay maamulka Idaacadda Dalsan,  waxaanana  ka qeyb galay Waalidiin,  culImaa’udiin, araday ka kala socotay dugsiyada Quraanka kariimka ah iyo marti sharaf kale

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

Agaasimaha  Radio Dalsan   Xasan   Cali Geesey  oo  ka hadlay  furitaanka tartanka Quraan akhriska ayaa sheegay in tartankan uu ah miyad gaar ah  u leyahay ardayda Soomaaliyeed ee baranaya Quraanka kariimka, isagoo ku booriyay ardaydu in ay muu jiyaan dadaal dheeri ah

“Insha Allahu tartankan waxaan ugu talagalnay in ardayda xaafidiinta ah ee Quraanka baratay iney ku soo  bandhigaan xifdintii  iyo juhdigii la galiyay oo ay ugu  faa’iideeyaan dhageystayaasha idaacadda, dhallinyaraduna ay u  noqoto inay ku dhiiradaan xifdinta Quraanka” ayuu yiri Agaasime Xasan.

Maamulaha shirkadda xawaalada Taaj oo taaba galineysa tartankan Maxamed Axmed Yuusuf  oo ka  hadlay  halkaasi ayaa  tilmaamay in shirkaddu ay marwalba  garab taagantahay  dhiira galinta  tartamada Quraanka Kariimka ah.

Sheekh Axmed Nuur Cabdi Jimcaale oo ka mid ah ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka war bixiyay tartan ka Quraan aqriska ah  sida ay u tartamayaan  ardayda

“Musaabaqadii Quraanka kariimka ah halkaan ayaad ku qaadan doontaan, muxaadaraad oo ku saabsan fadliga ay leedahay Quraanka kariimka, iyo faa’iidada uu u leeyahay in carruurta lagu tartansiiyo oo hadda in badan mashaa’iiqda nooga hadleen, musaabiqaduna waxey ka dhici doontaa dhammaan degmooyinka gobolka banaadir, dugsiyo fara badana wey ka qeyb geli doonaan gabdho iyo wiilal kaliya, sharuuda waxey tahay ardayga  galaysa inaysan 8  sano ka yareyn toban iyo shanona uusan ka weyneen”

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo xariga ka jaray xarunta Dowladda Hoose ee Xamar “SAWIRRO”

Next Post

Baarlamaanka oo ka dooday darbiga Kenya ay ka dhisaneyso xadka u dhexeya Soomaaliya iyo Kenya

Next Post

Baarlamaanka oo ka dooday darbiga Kenya ay ka dhisaneyso xadka u dhexeya Soomaaliya iyo Kenya

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In