Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartanka Kubadda cagta degmooyinka oo galabta ka furmay garoonka Eng, Yariisow “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartanka Kubadda cagta degmooyinka oo galabta ka furmay garoonka Eng, Yariisow “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta garoonka kubada cagta ee Eng. Yariisow Stadium ka furmay tartanka kubadda cagta ee degmooyinka Gobolka Banaadir 2020, kaasi oo sanadkaan markii ugu horeysay ay ka qeyb-galayaan Naadi ka socda Degmada Balcad.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan iyo Wasiirka Magacaaban ee Dhalinyarada iyo Isboortiga Xamsa Maxamed Xamsa ayaa si wadajir ah u furay, iyadoo ay ku wehliyeen Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Basma Caamir Axmed iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud Eng. Cumar Cali Cabdi.

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026

Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir, Guddoomiye Ku-xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar, Cayaartooy hore, marti sharaf iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada ayaa Garoonka ku sugnaa, waxaana Halkaasi Astaanka Calanka ku tumay Ciidanka DaambeeYda Booliska Soomaaliyeed.

Madaxda Gobolka Banaadir ayaa Naadiyada ka qeyb-galaya Tartanka u rajeeyay in ay cayaar wanaag soo bandhigaan inta uu socdo tartanka kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Degmooyinka Dharkeynley iyo C/casiis ayaa lagu daah furay tartanka kubadda cagta ee degmooyinka, waxaana cayaarta oo ay u soo daawasho tegeen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir waxa ay ku soo idlaatay Dharkeynley 0-1 C/casiis, waxaana goolka guusha cayaartooyda degmada C/casiis u suurta geliyay Idiris Maxamed, sidaas ayayna ku soo dhaamaatay cayaarta.

Previous Post

Ururrada Haweenka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo codsaday in la siiyo qoondada ay ku leeyihiin Hirshabeelle “SAWIRRO”

Next Post

Warshad Sokorta ah oo laga hirgeliyay Dalka Uganda “SAWIRRO”

Next Post
Warshad Sokorta ah oo laga hirgeliyay Dalka Uganda “SAWIRRO”

Warshad Sokorta ah oo laga hirgeliyay Dalka Uganda “SAWIRRO”

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo munaasabadda Ciidul Fidriga swgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In