Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartanka kubadda cagta ee degmoyinka oo furmay iyo Yaaqshiid oo badisay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartanka kubadda cagta ee degmoyinka oo furmay iyo Yaaqshiid oo badisay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartankani Kubada cagta ah ee degmooyinka gobalka Banaadir ayaa waxaa furay Guddoomiye ku-xigeenka siyaasada ee Maamulka gobalka, iyadoo ay kasoo qeyb galeen maamulada 17degmo ee gobalka banaadir, xubno ka socday Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya iyo dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka, waxaana tartanka lagu daah furay Degmooyinka Cabda Caciis iyo Yaaqshiid oo group A ku wada jira.

Cayaarta kubadda cagta ee u dhaxeysay labada koox ee C/casiis iyo Yaaqshid ayaa aheyd mid aad uu xisa badan oo labada kooxba ay soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo soo jiitay dhamaan dadkii u soo daawasho tegay goroonka waxayna cayaartaasi ku soo gaba gabootay 5-1 oo ay guusha ku raacday kooxda ku cayaaraysay magaca Degmada Yaaqshiid

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Ku-simaha guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyed ahna gudoomiye ku-xigeenka xiriirka kubada cagta Cali Cabdi Maxamed “Cali shine” oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in tartanka isboorti uu qeyb lixaad leh ka qaadan karo isdhexgalka bulshada

“Sanadkan waa sanadkii saddexad ee la qabto tartankaani, waa 2011, 2014 iyo 2015 oo hada ah, waxaa loo baahanyahay in maamulka gobalka Banaadir uu sii xoojiyo is dhaxgalka blshada, wuxuu qeyb weyn ka qaadanaaya nabada iyo isdhaxgalka bulshada dhallinyarada, waxaan kula dar daar maya in ay soo bandhigaan cayaar wanaag” ayuu yiri Cali Shiino.

Guddoomiyaha Degmada C/caziis ee gobalka Banaadir Cismaan Muxuyadiin Cali Cariif ayaa sheegay in dadka reer C/casiis ay sharaf u tahay in markii saddexaad ay marti galiyaan cayaaraha kubadda cagta degmooyinka gobalka banaadir.

“Marka ku soo dhawaada degmada C/caziis waxaan ku faraxsanahay in tartankani markiisa saddexad lagu qabto Degmada, waxaana rajeyneynaa in aan ku guuleysano, maamulka gobalka banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobalka banaadir ku soo dhawaada Garoonka Banaadir Stadium”.

Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Axmed Maxamed Diiriye ayaa tilmaamay in maamulka gobalka uu ahmiyad gaar ah sii naayo isdhaxgalka bulshada, isagoo dhinaca kale ugu baaqay kooxaha cayaaraya tartankani in ay soo bandhigaan cayaar wanaag.

“Maamulka gobalka banaadir ujeedkiisu waa in uu horumarinyo is dhaxgalka bulshada iyo dhallinyarada oo la muujiyo doorkooda, waxaan ugu baaqaya dhallinyarada cayaaraysa, tartankaani in ay soo bandhigaan cayaara heer keedu uu sareeyo si ay fursad ugu noqoto in ay u cayaaran Qaranka”

Beri ayaa lagu wadaa in laba kulan la ciyaaro kulanka hore waxaa wada cayaari doona Warta Nabadda iyo Shibis, halka kulanka xiga ay is arki doonaan Shangaani iyo Heliwaa.

1 2 3 4 5 7 8 9 10 12 13 14 55

Previous Post

Qaraxyada lala eegto goobaha ganacsiga, maxay diintu ka qabtaa? – DHAGAYSO

Next Post

Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland

Next Post
Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland

Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In