Tuesday, October 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tartanka kubadda cagta ee degmoyinka oo furmay iyo Yaaqshiid oo badisay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tartanka kubadda cagta ee degmoyinka oo furmay iyo Yaaqshiid oo badisay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartankani Kubada cagta ah ee degmooyinka gobalka Banaadir ayaa waxaa furay Guddoomiye ku-xigeenka siyaasada ee Maamulka gobalka, iyadoo ay kasoo qeyb galeen maamulada 17degmo ee gobalka banaadir, xubno ka socday Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya iyo dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka, waxaana tartanka lagu daah furay Degmooyinka Cabda Caciis iyo Yaaqshiid oo group A ku wada jira.

Cayaarta kubadda cagta ee u dhaxeysay labada koox ee C/casiis iyo Yaaqshid ayaa aheyd mid aad uu xisa badan oo labada kooxba ay soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo soo jiitay dhamaan dadkii u soo daawasho tegay goroonka waxayna cayaartaasi ku soo gaba gabootay 5-1 oo ay guusha ku raacday kooxda ku cayaaraysay magaca Degmada Yaaqshiid

Related posts

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026

Ku-simaha guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyed ahna gudoomiye ku-xigeenka xiriirka kubada cagta Cali Cabdi Maxamed “Cali shine” oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in tartanka isboorti uu qeyb lixaad leh ka qaadan karo isdhexgalka bulshada

“Sanadkan waa sanadkii saddexad ee la qabto tartankaani, waa 2011, 2014 iyo 2015 oo hada ah, waxaa loo baahanyahay in maamulka gobalka Banaadir uu sii xoojiyo is dhaxgalka blshada, wuxuu qeyb weyn ka qaadanaaya nabada iyo isdhaxgalka bulshada dhallinyarada, waxaan kula dar daar maya in ay soo bandhigaan cayaar wanaag” ayuu yiri Cali Shiino.

Guddoomiyaha Degmada C/caziis ee gobalka Banaadir Cismaan Muxuyadiin Cali Cariif ayaa sheegay in dadka reer C/casiis ay sharaf u tahay in markii saddexaad ay marti galiyaan cayaaraha kubadda cagta degmooyinka gobalka banaadir.

“Marka ku soo dhawaada degmada C/caziis waxaan ku faraxsanahay in tartankani markiisa saddexad lagu qabto Degmada, waxaana rajeyneynaa in aan ku guuleysano, maamulka gobalka banaadir iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobalka banaadir ku soo dhawaada Garoonka Banaadir Stadium”.

Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Axmed Maxamed Diiriye ayaa tilmaamay in maamulka gobalka uu ahmiyad gaar ah sii naayo isdhaxgalka bulshada, isagoo dhinaca kale ugu baaqay kooxaha cayaaraya tartankani in ay soo bandhigaan cayaar wanaag.

“Maamulka gobalka banaadir ujeedkiisu waa in uu horumarinyo is dhaxgalka bulshada iyo dhallinyarada oo la muujiyo doorkooda, waxaan ugu baaqaya dhallinyarada cayaaraysa, tartankaani in ay soo bandhigaan cayaara heer keedu uu sareeyo si ay fursad ugu noqoto in ay u cayaaran Qaranka”

Beri ayaa lagu wadaa in laba kulan la ciyaaro kulanka hore waxaa wada cayaari doona Warta Nabadda iyo Shibis, halka kulanka xiga ay is arki doonaan Shangaani iyo Heliwaa.

1 2 3 4 5 7 8 9 10 12 13 14 55

Previous Post

Qaraxyada lala eegto goobaha ganacsiga, maxay diintu ka qabtaa? – DHAGAYSO

Next Post

Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland

Next Post
Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland

Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubbaland

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee  Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 26, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In