Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xulka Gobolka Haylaan oo ku guuleystay tartanka kubadda cagta ee Gobollada Punland “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Xulka Gobolka Haylaan oo ku guuleystay tartanka kubadda cagta ee Gobollada Punland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta Cabdiqani Saciid Carab, Wasiir ka Dhallinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland, Madax kala duwan oo ka tirsan Golayaasha Dowladda oo ay wehliyaan bahda Cayaaraha iyo xiriirka Kubbadda cagta Puntland ayaa ka qeyb galay daawashada gaba-gabada tartanka Ciyaaraha Gobalada Puntland.

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna qaab fogaan arag ah u daawanayay ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan, iyadoo ay u soo daawasho tegeen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid Gobalada Puntland.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Qaybtii hore ee Ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa ku soo dhammaatay bar bar dhac 0-0 ay is mari waayeen labada Kooxood.

Qeybtii labaad ee cayaarta ayaa markii la isku soo laabtay waxa ay labada xul ee Gobalada Nugaal iyo Haylaan iska dhaliyeen 2-2, taasi oo waqtigii cayaarta loogu talagaay ku soo idlaatay  bar bar dhac 2-2, waxaana tartanka gool ku laad ku guuleysatay Xulka Gobalka Haylaan.

Ammaanka Garoonka iyo Guud ahaanba magaalada Garoowe ayaa si wayn loo adkeeyay waxaana la xiray waddooyinka iyo aagga Garoonka Mire Awaare oo la geeyay Ciidamada Amniga.

Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash iyo Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa si wada jir ah koobka guddoonsiiyay cayaartooyda Xulka Haylaan

Gabo gabada waxaa kaloo bilado la siiyay xidigii asluub wanaagga muujiyay intii uu tartanka socday.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula kulmay Ku-xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo shaaciyay in ku dhawaad 60 looga dilay argagixisada Al-Shabaab meel u dhaw Camaara

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo shaaciyay in ku dhawaad 60 looga dilay argagixisada Al-Shabaab meel u dhaw Camaara

Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo shaaciyay in ku dhawaad 60 looga dilay argagixisada Al-Shabaab meel u dhaw Camaara

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In