Taariikhdu waa lama huraan oo ummad walba waa inay taariikhdeeda xasuusataa oo bulshada jiilka cusub looga sheekeeyaa taariikhdii fiicneyd ee awoowayaasheen ay naftooda iyo maalkooda u hureen si Soomaaliya ay u noqoto Dowlad madaxbannaan, sidaasi awgeed waxay maanta Taxanaha Taariikhda Maalimaha Xorriyadda Soomaalida ku soo qaadaneynaa 27-ka Juun 1977-kii oo aheyd markii dalka Jabuuti uu madaxbannaanidiisa ka qaatay gumeytihii Faransiiska, muddadaasi ka hor waxaa Dadka ku nool Dalkaasi uu ku jiray gumeysigii Faransiiska, halka Waqooyiga uu gumeysanayay Ingiriiska, dhinaca Koonfurtana waxaa gacanta ku haya Talyaaniga, Soomaali galbeedna Gumeysigu waxa hoos geeyay Itooboya, halka kuwa Waqooyi barina gacanta loo galaiyay Kenya.
1862kii ayuu gumaysigii Faransiisku ka soo degey oo uu qabsaday xeebta Obokh ee ku taal woqooyiga Jamhuuriyadda Jabuuti. 1885kiina waxa uu u soo wareegey xeebta magaalada Jabuuti gaar ahaan khooriga la yidhaa Cambaado. Cambaado waa goobtii ay ku kulmeen Faransiiska iyo odayadii Ciisaha ee ay ku kala sexeexdeen heshiiskii u horreeyey. Haddaba inkastoo heshiis dhex maray odayadii Ciisaha iyo Faransiiska haddana waxa jiray dad diiddanaa oo aad uga soo horjeeday in gaaladu cagaha soo dhigaan dhulka.
Raggii diiddanaa gaalka oo ahaa dhallinyaro dagaalyahaanno ah,waxa hoggaamiye u ahaa geesigii Faarax-xaad.Muddo badan ayey Faarax-xaad iyo colkiisu Faransiiska ku horjoogeen xeebta oo aanu meelba u dhaafin. Waxaan odhan karnaa halganka gumaysi-diidku markaa buu bilaabmay. Sida aan sooyaalka ku hayno, halganka loo soo galay xornimada Jabuuti kolba heer iyo marxalado wejiyo badan leh buu soo maray.
Marka muddo la joogaba waxa abuurmayey ururro gumaysi-diid ah oo ay hoggaaminayaan rag geesiyaal ah,isticmaarkuna goor walba xoog iyo cabudhin buu saari jirey si uu u demiyo iftiinka gobonnimo-doonka, ilaa u dambayntii uu xooggiisii waxba tari waayey oo shacabkii guulaystay gobannimadiina dhalatay 27kii Juun 1977kii.
Haddaba maqaalkan maanta waxaan ku soo qaadan dhacdo ka mid ah dhacdooyinkii ugu qadhaadhaa ee uu soo jibaaxay halgankii xorriyaddu.Taas oo ahayd 1966kii-1967kii. Akhristaha maqaalkan waxa hor iman isweydiin ah,qoruhu muxuu u doortay dhacdadan? Waa su’aal meesha ku habboon.Waxaan u doortay waa tii ugu qadhaadhayd, ugu dhib badnayd uguna murugo iyo dhimasho badnayd. Xilligaa adag ee aan soo tilmaanay waxa dadweynaha hoggaan u ahaa xisbigii amma ururkii gobannimo-doonka ahaa ee la odhan jiray (Partie Mouvement populaire) (P.M.P.) Ururka Dhaqdhaqaaqa Shacabka.
Ururkaa oo la aasaasay wax yar ka dib markii la maqlay geeridii murugada lahayd ee geesigii Maxamuud Xarbi Faarax. Xisbiga waxa aasaasay niman dhallinyaro ahaa oo ay buuxisay waddaninnimo.
Iyo qaar kale. Aasaaska ururka P.M.P.wuxuu kor u soo qaaday niyaddii shacabka gobannimo-doonka oo geeridii Maxamuud Xarbi ka dib hoos u dhacday. Xafiiskii u horreeyey ee xisbigu yeesho maalintii la furay, raggii halkaa wilwilaha ku gooyey ee ka geeraaray waxa ka mid ahaa Jaamac Muuse Miicaad.
Guddoomiyaha Xisbiga waxa loo doortay Axmad Faarax Aadan(Daaliye) ku-xigeenkana Cabsiiye Buux Cabdalla.1961kii waxa uu xisbigu qabanqaabiyey mudaaharaad ballaadhan oo lagala hortegey wasiir ka tirsanaa dawladda Faransiiska oo la odhan jiray Robert Lecourt oo dalka booqasho ku yimid. Mudaaharaadkaa kadib waxa xabsiga loo taxaabay guddoomiyihii ururka M. Axmad Faarax (Daaliye) waxana lagu xukumay saddex bilood oo xadhig ah amma inuu caf dalbado,sidaa daraaddeed caf buu guddoomiyuhu ka dalbaday maamulkii gumaysiga, ururkiina uu iska casilay.
Waxa markaa guddoomiyihii xisbiga loo doortay Cabsiiye Buux Cabdalla. Cabsiiye,nin dhiirran oo aan Gaalka ka gabban buu ahaa,isla markaana daacad u ahaa ururka iyo dadweynaha aaminay labadaba. Tiraba saddex jeer buu gumaysigu ku xukumay xadhig. Xisbigu waxa kale oo uu taageero ka haystay culimadii dalka oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Cusmaan Wacays iyo Sheekh Cabdillaahi Boode (Labadaba Allaha u naxariisto).
1963kii doorashadii baarlamaanka gudaha ayuu xisbigu guul weyn oo gumaysigii ka yaabisay ka soo hooyey. Waxa kale oo xisbigu ku guulaystay mudanihii dalka u geli lahaa baarlamaanka Faransiiska, kaas oo loo doortay Muuse Axmad Idiris. Guddoomiyaha ururka waxa markaa ahaa Cabsiiye Buux Cabdalla. Xisbi kale ayaa jiray oo la odhan jiray Ururka Dimuqraadiga Cafarta (Partie democrate Afar) (P.D.A.) Inkastoo uu xisbigaasi ka awood yaraa xisbiga kale haddana waxa uu u badheedhay inuu ku dhawaaqo gobannimo ayaan doonaynaa. Xisbigaa raggii aasaasay waxa ka mid ahaa
1. Orbiso Gadiito Xasan oo guddoomiye ahaa
2. Axmad Diini Axmad
3. Maxamad Kaamil
4. Cabdalla Maxamad Kaamil
5. Maxamad Axmad Ciisa(Sheekho)Iyo rag kale.
Hasayeeshee u dambayntii labadii xisbi way midoobeen si ay cududda gobannima-doonka u xoogeeyaan,waxayna ku biyo shubteen ururkii P.M.P. Sannadkii 1964kii waxa la qabtay Sheekh Cabdillaahi Boode oo isagu goor walba xisbiga u soo ururin jiray dhaqaale uu ku meel maro. Sheekh Cabdillaahi waxa laga soo qabtay magaalada Dikhil isagoo maalintaa wada adhi fara badan oo uu ka soo ururiyey dhulka miyiga ee galbeed kaga toosan Dikhil,maxkamad ayaa la geeyey waxana lagu xukumay siddeed sannadood iyo siddeed bilood oo xadhig ah. Bishii Juun 6dii 1966kii waxa shirqool gumaysigu soo abaabulay lagu dilay Allaha u naxariistee Sheekh Cusmaan Wacays oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee dalka islamarkaana iimaam ka ahaa masjidka Sheekh Cabdulqaadir ee ku yaal xaafadda afraad ee magaalo-madaxda.
Sheekhu waxa uu safka hore kaga jiray la dagaallanka gumaysiga iyo isagoo caan ku ahaa khudbadaha Jimcaha oo uu ku soo qaadi jiray dhibta iyo kadeedka uu gumaysigu ku hayey dadweynaha, wuxuna dadweynaha goor kasta ku guubaabin jiray inay heeryada gumaysiga iska dul qaadaan. Dilka Sheekhu waxay dadweynihii iyo xisbigiiba ku noqotay naxdin iyo walbahaar iyadoo awal horena la ogaa dilkii uu isticmaarku u geystay geesigii Maxamuud Xarbi 1960kii. Iyadoo arrini halkaa marayso oo daweynihii ciil iyo cadho buuxiyeen, ayaa madaxdii xisbiga P.M.P waxay ogaadeen laba bilood ka dib in uu dalka booqasho ku iman doono madaxweynihii Faransiiska ee xilligaa Jeneraal Digool.Madaxwenaha Faransiisku inta aanu iman Jabuuti waxa uu soo marayey dalka Itoobiya oo uu Xayle Silaase markaa boqor ka ahaa.
Haddaba ururkii P.M.P. iyo Jabhaddii Xoreynta Xeebta Soomaalida (Front Liberation de la Cote Française de Somalie) (F.L.C.S.) ee xarunteedu ahayd Muqdisho, waxay galeen abaabul weyn oo lagu kicinayo dadweynaha si markuu Digool yimaaddo loogu mudaaharaado oo adduunweynaha loo tuso in dadka reer Jabuuti doonayaan madax-bannaanidooda. Madax ka kala socotay Jabhadda F.L.C.S.iyo P.M.P. ayaa waxay ku heshiiyeen in abaabulka loo wado si qarsoodi ah. Madaxdii Jabhaddu waxay qoreen warqad xambaarsan farriin culus oo ku socota dadweynaha reer Jabuuti.
Warqaddaas waxa loogu tala galay inay dhiigga dadka dhaqaajiso,ereyadii ku qornaa waxa ka mid ahaa. Dadka reer Jabuutow, madaxweynihii Faransiiska Digool ayaa Jabuuti ku soo beegan 25ka bisha Aout 1966ka,inta anu Jabuuti iman waxa uu soo marayaa dalka Itoobiya. Dadka reer Jabuutow aayihii dalkiina halkaa baa lagaga xaajoonayaa,sidaa daraaddeed waa inaad hurdada ka kacdaan oo aad muddaaharaddo dhigtaan markuu Digool dalka yimaaddo, si aad adduunweynaha ugu muujisaan inaad doonaysaan xornimadiina.
Xaashidii farriintaa xambaarsanayd intoo la badiyey ayaa maalmo ka hor intii anu Digool magaalada iman meelo badan lagu daadiyey. Ururkii P.M.P. isaguna abaabul xoog leh oo nidaamsan ayuu gudaha ka galay,xaafad kasta rag baa loo qaybiyey inay dadka kiciyaan oo qoraan boodhadh muujinaya waxa ay doonayaan oo ah madaxbannaani buuxda. Dhinaca kale maamulkii gudaha ee uu dhisay gumaysigu ee uu madaxda ka ahaa dabadhilifkii Cali Caarif Burhaan iyagu abaabulkaa socday way ka dhega xidhnaayeen, waxayna isku diyaarinayeen inay soo dhaweeyaan Digool oo ay tusaan sida ay u jecelyihiin gumaysiga, iyagoo ka been sheegaya shacabka, danahooda gaarka ahna wata.
Haddaba maxaa dhacay maalintaa markuu Digool yimid Jabuuti? Maalintaa oo ku beegnayd 25kii Aout 1966kii intii aanu Digool soo caga dhigan, waxa waddadii uu soo marayey oo ah ta xidhiidhisa gegada diyaaradaha iyo badhtamaha magaalada isa soo tubay oo buux dhaafiyey dadweynihii oo aan u kala hadhin maalintaa, dhallinyaro, odayo, haween iyo carruur intaba. Nidaamka, asluubta iyo nabadgelyadaba waxa maalintaa dusha ka ilaalinayey dhalliyaradii hoggaaminaysay ururkii P.M.P.Dadweynihii maalintaa soo buuxiyey waddooyinka wax haba yaraatee boodhadh ah oo ay siteen kama muuqan, waayo ballanta ayaa ahayd in la qarsado oo hoosta lagu qarsado,marka uu Digool soo dhawaadana mar qudha lala soo wada baxo.
Sirtaa iyo nidaamkaa ay dadweynaha iyo xisbigu ku dhaqmeen baa u suurta gelin weyday ciidamadii Faransiiska ee gaafwareegayey maalintaa inay wax ogaadaan oo ay war helaan. Goor galab ah ayuu Digool ka soo baxay gegeda diyaaraduhu soo caga dhigtaan isagoo lagu sido gaadhi ballaadhan. Dadwenihii oo waddadii uu marayey buux dhaafiyey ayaa mar qudha la soo baxay boodhadhkii ay hoosta ku siteen. Boodhadhkaas oo ay ku qornaayeen (INDEPENDANT) gobannimo, balse intaa waxa ka darnaa dhawaaqii ay daweynuhu ku dhawaaqayeen Gobannimo oo dhulka kaga gariirsiiyey. Meelo ka mid ah badhtamaha magaalada ayuu maamulkii gudaha ee gumaysiga daba dhilifka u ahaa ku ururiyeen dad yar oo ay u dhiibeen boodhadh ay ku qoreen soo dhaweynta Digool iyo Faransiis baan rabnaa, hasayeeshee ururkii P.M.P. ee gobannimo-doonka ayaa kuwaana ku dhex darsaday dhallinyaro hoosta ku wadata boodhadh ay ku xardhan yihiin GOBANNIMO AYAAN RABNAA.
Markuu soo dhawaaday Digool ayey dhallinyaradiina hawshoodii qabsadeen oo ay la soo baxeen boodhadhkii oo ay ku qoran yihiin GOBANNIMO,GOBANNIMO. Maalintaa waxa indhihii Digool loo diiday inay arkaan amma ay qabtaan qoraal aan ahayn GOBANNIMO BUUXDA AYAAN RABNAA. Dhegihiisiina waxa asqeeyey oo buuxiyey dhawaaqii dadweynaha oo qiiraysan. Galabtaa waxay shacabku adduunweynaha tuseen sida ay u doonayaan madax bannaanidooda,dawladda Faransiiskana way ku beeniyeen wixii ay caalamka muddo badan u sheegi jirtay.Socdaalkii Digool waxa uu ku bilawday guuldarro dhiniciisa ah iyo guul dhinaca dadweynaha ah.Dadweynuhu ereyadii maalintaa ay ku hadaaqayeen waxa ka mid ah:-
Digoolow is darmuushtaye
Diifta maanta ku gaadhay
Dambigaagi miyaa?
Maalintii labaad ee bishu ahayd 26kii Aout 1966kii, galabnimadii waxa la qoorsheeyey in Generaal Digool ka khudbeeyo fagaare ku yaal Baarlamaanka Jabuuti hortiisa. Dadweynihii madaxbannaanidooda u harraadnaa ayaa duhurnimadiiba soo buux dhaafiyey fagaarihii iyaga oo sita boodhadh lagu xardhay ereyo ay ka xanaaqeen maamulkii iyo ciidamadii Faransiisku.
Intii anu Digool iman goobtii ayey ciidamadiisii rasaas oodda kaga qaadeen shacabkii sida nabadda ah ku doonayey aaya-ka-talintooda.
Maalintaa dad door ah ayaa halkaa ku dhintay,boqollaal kalena way ku dhaawacmeen,qaar kale oo badanna xabsiyadaa laga buuxiyey.Goobtaa sawirradii laga qaaday markaad aragto ayaad garan diillada ay maalintaa gaysteen ciidamadii Faransiisku. Saacado yar kadib ayuu Digool goobtii yimid oo uu salaan kaga qaatay ciidamadiisii isla markaana ka dul khubeeyey dhaawicii iyo kabihii ay halkaa dadku kaga tageen. Maalintaa hadalladii uu Digool halkaa ka jeediyey waxa ka mid ahaa (Maryo cadcad oo ereyo lagu xardhay gobonnimo laguma helo).
Dabadeed habeennimadiiba dalka uu ka ambabaxay. Maalin saddexaadkii iyo wixii ka dambeeyey halkii bay ka sii socdeen mudaaharaaddadii lagu doonayey xornimada. Si uu isku hortaago kacdoonka weli socda cadaadiskii buu ku sii kordhiyey shacabka,dabadeed waxa xabsiga loo taxaabay qaar ka mid ah xubnihii xisbiga P.M.P oo ay ka mid ahaayeen guddoommiyihii ururka Cabsiiye Buux, Cadiraxmaan Cadhoole iyo Idiris Cumar Geelle. Cadaadiskii iyo xadhiggii madaxdu marnaba ma hakin kacdoonkii balse wuxu noqday shiidaal sii huriya dhaqdhaqaaqii xornima-doonka, ilaa aakhirkii lagu dirqiyey gumaysigii Faransiiska inuu yidhaa afti baan dadka ka qaadi bisha mars19keeda 1967ka.
Badhtamihii bishii Sebtambar 1966kii ayuu gumaysigu bilaabay inuu magaalo-daxda Jabuuti ku xidho oo uu ku wareejiyo silig amma xadhi-xayir. Siliggaa uu magaalada ku xidhay koronto ayuu lahaa isla markaana miino ayuu ku wareejiyey si aanu qofba u soo haweysan. Waxa kale oo siligga hareerihiisa ka dhisnaa meelo badan oo askarta ilaaladu fuulaan si ay sheedda wax uga arkaan. Laba irdood oo magaalada laga galo lagana baxo ayuu u sameeyey, labadaas meelood oo kala ahaa Nagaadh oo ah halka tareenku ka soo galo iyo waddada Carta halka ku began xerada ciidammada ee Sheekh Cusmaan irriddeeda.
Labadaa meelood ee laga soo galayo, baadhitaanno xoog leh ayaa dadka lagu samayn jiray, ciddii waraaqo aqoonsi leh oo keli ah umbaa halkaa mari jirtay. Dhismaha siliggaa oo dherarsanaa min badda Doorale(Dhinaca galbeed) ilaa badda Haramuus (dhinaca bari) waxa hawshiisu ku dhammaatay hal toddobaad oo keli ah. Siliggaasi waxa uu magaalada ku meersanaa tan iyo markii uu dalku xornimadiisa qaatay 27kii bishii Juun 1977kii. Markuu hubsaday inuu dalkii kala xidhay ayuu bilaabay raaf aan kala go’ lahayn. Raafka, xadhigga iyo cadaadisku waxay uu haysteen oo keli ah dadka Soomaalida ah, taasi waxay dhalisay in xukuumaddii gudaha raggii Soomaaliyeed ee ka tirsanaa is wada casilaan oo ay xukuumadda ka baxaan bishii Janaweri 1967kii. Waxaanu gumaysigu magaalada ku soo rogey bandoo laga bilaabo 6da fiidnimo.
Guuldarradii ay ku dhammaatay booqashadii Digool, mudaaharaaddadii oo istaagi waayey iyo raggii Soomaalida ee xukuumadda ku jiray oo is casilay, intaas oo dhan canaanteedii waxay dawladdii Faransiis dusha u saartay ninkii waaliga amma badhasaabka u ahaa dawladda oo magaciisa la odhan jirey Louis Saget. Bishii Oktoobar 1966kii dabadhilikii Cali Caarif Burhaan ayaa jagadii madaxnimada maamulka gudaha ee marka horeba gumaysigu u dhiibay laga xayuubiyey, waxa lagu beddelay nin macaaradka ka tirsanaa oo la odhan jirey Maxamad Kaamil Maxamad oo isna Cafar ahaa kana tirsanaa siyaasiyiintii gobannimo doonka, hasayeeshee xilligaa wixii ka dambeeyey ku ballan furay shacabka.
Haddaba hadalkii ka soo yeedhay dawladda Faransiiska ee sheegayey inay afti qaadayso markii uu soo gaadhay dhegaha dadweynaha, iyagoo haba yaraate aan ka baqan siligga dalka lagu kala xidhay iyo cadaadiskii lagu hayey, ayey tabaabushe iyo diyaargarow ballaadhan u galeen sidii guul kama dambays ah looga soo hoyn lahaa aftida dhacaysa bisha Mars 19keeda 1967ka. Abaabulkii, diyaargarowgii dadweynaha iyo ololahaha nidaamsan ee lagu jiro markuu ogaaday ayuu gumaysigii Faransiiku bilaabay in uu dadka waddaniyiinta waraaqahoodii aqoonsiga jeexjeexo.
Bishii Mars 10keedii ayuu xaafadaha magaalada ku kala qoqobay silig isagoo wata ciidammadiisii faraha badnaa iyo hub culus,dabadeed magaaladii ayuu aqal aqal u baadhay, saacado kadibna rag iyo dumar wixii guryaha joogay buu soo dareeriye isagoo soo tubay bannaakii la odhan jiray Milixda( waa halka imika ay ku taal xaafadda Angeela).
Dadkii uu maalintaa gumaysigu halkaa ku soo ururiyey waxa lagu qaddaray (45.000)oo qof. Shaqaalihii dekedda Jabuuti intii Soomaali ahayd oo xamaaliin u badnayd iyagana shaqooyinkii dibaddaa laga dhigay.Xammaaliintii waxa lagu baddalay dad Cafar ah oo intooda badan Itoobiya laga soo ururiyey.Dadkii uu maalintaa soo tubay milixda qaar badan oo ka mid ah ayuu ka tallaabiyey Lawyacaddo. dadkaas oo tiradoodu gaadhayso 6305qof, dhinaca Itoobiyana 3000 oo qof ayuu u masaafuriyey kadib markii ay diidday dawladdii Soomaaliya dadka dhulkooda laga soo masaafurinayo.Bishii mars16keediina silig kale ayuu magaalada dhexdeeda ku kala qoqobay si xaafadna xaafad ugu gudbin.
Iyadoo xaalku halkaa marayo ayaa la gaadhay mars 19keedii oo ahayd maalintii uu aftida qaadayey. Dadweynihii dhibaato iyo cagajuglayn kastaa ha soo gaadhee iyagoo dhiirran bay codadkoodii si nabad ah ku dhiibteen. Maalintaa la codaynayey waxa la isku guubaabinayey(Qofka maanta codayn waaya,waa qof rasaas cadawga dili lahayd la baaqday) waxa kale oo maalintaa la isku guubaabinayey heeso iyo gabayo waddani ahaa oo ka soo burqanayey Raadiyo Muqdisho iyo Radiyo Hargeysa,heesaha maalintaa dhegaha dadweynaha ka dhex guuxayey waxa ka mid ahayd, (Jabuutaay iska jir) oo uu laha Cabdi Muxumad Aamiin.
Maalintaa la codaynayey darbiyada magaalada oo dhan waxa ku qornaa oo ay indhuhu qabanayeen(NON) iyo ereyo kale oo lagu muujinayey sida weyn ee loo diiddan yahay gumaysiga Faransiiska. Dadweynuhu maalintaa waxay soo wada jeeniqaarteen qaarna madaxa ku soo xidheen maryo ay ku qoran yihiin NON oo ka dhigan(MAYA GUMAYSI). Maalintii markuu gabbalku dumay dadweynihii waxay ku xeroodeen guryahoodii, netijada aftida waxay kala socdeen Radiyooga. Dawladda Faransiiska markaad u fiirsato ficilladii cadaadiska ahaa, raafkii iyo siliggii ay magaalada ku giijisay, waxa kuu soo muuqanayey sida aanay diyaar ugu ahayn inay dalka xornimo siiso. Natiijadii aftidii ay qaaddayna waxay ku sheegtay in dadka reer Jabuuti doorteen gumaysi.
Tiradii natiijadii uu habeenkaa gumaysiga Faransiisku soo saaray waxay ahayd in boqolkiiba 60,60 ay doorteen Faransiiska oo la sii jooga, boqolkiiba 39,40na ay doorteen gobannimo. Dadkii xornima-doonku markii ay maqleen natiijadaa uu ku dhawaaqay Faransiiku aad bay uga xumaadeen ugana niyad jabeen.
Haddaba aroornimadii maxaa dhacay?,
Aroornimadii 20kii Mars 1967kii oo ahayd maalin ciid Carafo ah,dadweynihii oo ka dhirifsan xaqoodii la duudsiyey ayaa waddooyinka u soo baxay oo mudaaharaaddo waaweyn sameeyey.Ciidammadii gumaysiga oo markaaba heegan ahaa ayaa xaafadihii magaalada lagu soo daayey. Dadweynihii oo dhagxaan,quraarado iyo budad wata waddooyinkii oodhanna shaagag iyo xashiish ku gubay iyo ciidammadii Faransiiska oo hubkoodu u dhan yahay ayaa foodda is daray. Maalintii oo dhan dagaal baa socday magaalada dhexdeeda la isku baacsanayey. Askartii gaaladu waddadii ay soo maraanba dhagax iyo quraarado shiidaal laga soo buuxiyey oo ololaya ayaa lagala hor yimid, iyaguna rasaas bay ku jawaabayeen.
Maalintii labaad aroornimadii markii la soo toosay, waxa la arkay xaafadihii magaalada oo silig amma xadhi-xayir lagu kala qoqobay si aanay xaafadba xaafad ugu tallaabin iyo askar meel walba taagan. Guryihii baa baadhis xoog leh lagu bilaabay shacabkiina raaf aan loo aabbo yeelin baa lagu qaaday. Dadka intii la raafay qaar xabsiyadaa lagu xidhay, intii badnayd oo kumanyaal ahna waxa lagu ururiyey xero bannaan oo bacad ah oo aan lahayn meel amma geed la hadhsado oo ciidammadu lahaayeen.Xeradaa oo shacabku u yaqaan Buduriyeel (Poudrière) Xeradaa waxa ku meersanaa silko waaweyn oo haddii aad taabato ku heeraya.
Goobtaasi waxay ahayd meel loogu talo galay in dadka lagu ciqaabo.Kulaylkii aan gabbaadka lahayn, harraadkii iyo rafaadkii awgood boqollaal qof ayaa halkaa ku qudh baxay. Waxa kale oo dad badan u dhinteen calool xanuun ay ka qaadeen bariis iyo saliid aan wanaagsanayn oo cunto ahaan loo siinayey muddadii 32ka maalmood ahayd ee ay halkaa ku xabbisnaayeen. I ntaas oo dhan waxa ka darnaa dad silicii meesha ku haystay u adkaysan kari waayey oo damcay inay fakadaan, dabadeedna rasaas la huwiyey oo halkaa ku dhintay, kuwaas oo maydkoodii siligga lagu wadhay si inta kale ugu quus qaadato.
Dadka intii ka badbaaday saxariirtii goobtaa ku heshay baabuur baa lagu guray,waxa loo masaafuriyey oo lagu daadiyey meesha la yidhaa Geesdiir oo ah meesha ay ku kulmaan xuduudda qaybisa Jabuuti, Somaliland iyo dhulka Soomaalida Itoobiya. Isla maalmahaa gumaysigu waxa uu xabsiga ku dhex dilay geesigii Cabdiraxmaan Cadhoole oo ka mid ahaa madaxdii ururka gobonnimo-doonka ee P.M.P. Cadiraxmaan Cadhoole si fool xun oo naxariis darro ah ayey u dileen askartii Faransiisku,taas oo dadweynihii aad iyo aad uga tiiraanyoodeen. Xisbigii P.M.P. albaabada ayuu gumaysigu u laabay oo waa la mamnuucay.
Xilligaa wixii ka dambeeyey dawladdii Faransiisku waxay bilawday anay isku daydo inay tirtirto dadka Soomaalida ee reer Jabuuti iyo magaca Soomaali la yidhaaba intaba. 3dii bishii Juulaay 1967kii,waxa baarlamaanka dalka Faransiisku meel mariyey qodob xeer oo tirsigiisu yahay 67-521, qodobkaa oo sheegayey in dalka laga beddelo magacii uu weligiiba lahaa (Cote Française de Somalie) Xeebta Soomaaliyeed ee Faransiisku gumaysto laguna beddelo (Teritoire Française des Afars et des Issas) Dhulka Faransiiska Cafarta iyo Ciisaha.
Bishii Juulaay 7dii 1967kii, waxa xukunkii gudaha lagu soo celiyey oo madax laga dhigay daba dhilifkii Cali Caarif Burhaan oo weliba awood dheeraad ah la siiyey.Gumaysiga iyo daba dhilifyadiisu waxay dardar geliyeen sidii loo yarayn lahaa tirada dadka Soomaalida reer Jabuuti ah, korna loogu qaadi lahaa tirada Cafarta. Intaa waxa dheeraa iyadoo meel kasta oo magaca Soomaali ku qoran yahay laga tirtiray, xitaa Raadiyo Jabuuti waxa lagu amray in laantii af Soomaaliga lagu beddelo oo loogu yeedho, laanta afka Ciisaha. Haddaba kacdoonkii bilaabmay 25kii bishii Aout 1966kii,xooggaa iyo cabudhintaa aan naxariista lahayn ayuu gumaysigu dul dhigay oo uu ku demiyey, iyadoo weli dhamacdii sare hoosta ka nooshahay soona huri doonto. U dambayntii waxay sidaasi soo ahaataba waxay ugu dambeyntii heleen Xorriyaddii ay muddo ku taamayeen, waxaana Madaxweynihii ugu horreeyay loo doortay Mudane Xasan Guuleed Abtidoon, wuxuuna markasi garab iyo hiilba ka helayay Walaalahooda Soomaaliyeed ee Janhuuriyaddi Soomaaliya.
Xalay iyo maantavba waxaa Jamhuuriyadda Jabuuti laga xusayaa sanadguuradii 41 aad ee ka soo wareegtay markii dalkaasi uu madaxbannaanidiisa ka qaatay gumeytihii Faransiiska oo ku asteysneyd 27-ka June 1977, iyadoo Dowladda dalka Jabuuti ay maanta si weyn ugu dabaaldegaya sanadguuradii 41 aad ee ka soo wareegtay markii ay ka xoroobeen gumeytihii Faransiiska, iyadoo fantasyaha maalintan laga dareemayo caasimadda iyo gobollada kale ee dalkaasi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeybgalay munaasabaddii calansaarka ee xalay lagu qabtay caasimadda Jabuuti ayaa shacabka Jabuuti u diray hambalyo ku aadan maalinta xorriyadda, isagoo ka hadlay halgankii loo soo galay madaxbannaanida Jabuuti wuxuuna u rajeeyay shacabka Jabuuti horumar iyo barwaaqo.
jabuuti ayaa madaxbanaanidooda ka qaatay Faransiiska maantoo kale 27 June sanadkii 1977 oo ay ka soo wareegtay 41 sano, waxaana muddadaasi uu dalka Jabuuti ku tallaabsaday horumar la taabankaro oo dhan walba ah, iyadoo dhinaca Soomaaliyana uu kaga qeybgalay munaasabadahaasi Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal C/raxmaan.
Waxaa soo Uruuriyay C/laahi Ruush
SONNA