Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taxahana Taariiklhda Maalmaha Xorriyadda Soomaalida (Maqaal)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Taxahana Taariiklhda Maalmaha Xorriyadda Soomaalida (Maqaal)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Soomaalidu Caado ma ahan Dad la gumeysan karo, waana kuwa Jecel Dhaqdhaqaqyada Xoriyad Doonka ee Dalka ka jiray ayaa hadana Sannadkii 1960-kii waxaa xoogeystay Dhaqdhaaqyada lagu doonayay Dhaqdhaaqyada Xoriyad doonka ee Guud ahaan ka soconayay dhulka Somaalidu degto, dhaqdhaaqasi waxaa uu mid si aad ah uga socday Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee Dalkeena.

26-june 1960-kii Maanta oo kale ayaa markii ugu horeysay waxaa suurta galay in dhulka Soomaaliyeed oo xor ah laga taago Calanka Jamauuriyada Soomaaliya ka dib markii gumeytihii ingiriiska uu ogolaaday in uu xoriyada siiyo Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya waxayna taasi dhacday Saqdii dhexe ee Habeenimadii 26-kii June 1960-kii, iyadoo Fagaaraha Bartamaha Magaalada Hargeysa Xilliga 12-ka Habeenimo laga taagay Calanka Jamuuriyada Soomaaliya, waxaana Halkaas lagu saaray Calankii Soomaaliyeed iyo Dabaal dag weyn oo loo sameeyay Maalintaasi.

Maalintan oo kale waxay ahayd maalin taariikh weyn ku leh Ummada Soomaaliyeed, Islamarkaaisna waxay ahayd maalin ay niyada shacabka Soomaaliyeed gashay dareen farxadeed oo sida ciidda oo kale loogu dabaal dagay soo dhaweynta Calanka Jamuuriyada Soomaaliya Markii ugu horreysay laga dultaago Dhulka Soomaaliya, taasi waxay dhalisay aragti guud in Ummada Soomaaliyeed hankii ay waday Muddo Todbaan Sanno ah, iyadoo ku taameysay in Mar uun la arko dhul Soomaaliyeed oo Xor ah.

Alle ha u naxariistee C/laahi Suldaan Timacade wuxuu ka mid ahaa xilligaasi dadkii u soo halgamay, islmarkaana halganka Xorriyada u soo dhibaatooday iyo kuwa laabta ka taageersanaa ee taageerada La garabtaagnaa, kuwaasi oo damacoodu ahaa in mar uun ay naceewda Xorriyadda ay soo iftiimiso Geyiga Soomaaliyeed, waa tii C/laahi Suldaan Timacadde ka tiriyay Gabay dheer Calan saarkii lagu qabtay Fagaaraha Hargeysa, wuuna lahaa “aan siduu yahay eegnee kaasna siib kan saar”.

Guusha ay xoriyada ka gaartay Soomaalida waxaa ay soo martay Marxalado kala duwan waxaana ugu cadcadaa 13 dhalinyaro ee dhisay Ururkii SYL, waxaanse marnaba aysan Taariikhdu Iloobi doonin Halagamayashii kale sida Sayid Maxamed C/dulle Xasan, Axmed Gurey, Xaawo Taako iyo kuwo kale oo taariikh iyo xusuus dheer ku leh Taariikhda Dalkeena Soomaaliya Marka laha hadlayo Taariikhada halganka Soomaaliyeed.

Gobolada Koonufreed ee Dalka waxay weli ku sii jireen Gacanta Gumeystaha Talyaaniga oo Markaasi maamulayay Hase ahaatee Maalmo badan kama soo wareegin Markii Gumeystaha Talyaanigu uu isaguna wareejiyay maaamulka Koonfurta Dalka Soomaaliya taasi oo ku aadaneyd 1-da Luulyo 1960-kii taasi oo ahayd Afar maalmood ka dib markii Naceewda Xorriyadda laga dareemay Gobolada Waqooyi ee Dalkeena.

Maalinta 1-da Luulyo waxaa iyana loo dabaldagay Midowga Gobolada waqoyiga iyo Koonufrta Dalka Soomaaliya kuwaasi oo noqday Jamuuriyada Dimuquraadiga Soomaaliya
Inay isku biiraan Gobolada waqoyiga Dalka Iyo Kuunfurta Dalka waxay ahayd Figrad ka timid Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi iyagoo wada Calankii Soomaaaliyana ay tageen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaaliya waxaana Halkaas lagu dhisay Dowlad Soomaaliyeed oo xor ah waxaana Madaxweyne ka noqday AHN Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde) iyadoo uu raiisul wasaare ka noqday AHN C/rashiid Cali Sharmaarke Dhismahaasi Dowladeed waxaa uu salka u dhigay Nimaadka Dowladeed ee ka hirgalay soomaaliya Waa kan Barkhad Cali Saalax oo Xusuusta Dib noogu bidhaamin Doona
AHN Aadan Cabdule Cismaan (Aadan Cadde) markii uu qabtay talada Dalka waxaa uu bilaabay Qorshayaal lagu horumarinayo wadanka Bacdamaa aysan Jirin Kaabayaal dhaqaale oo uu dalku lahaa waayo dalku waxaa uu ka soo kabanayay Raadadkii Gumeystaha uu ku reebay.

Haddaba waxaa xusas lagu weyneynayo Arrintaasi ka dhaceen Goobo badan oo ka kala yaalla Dalka gudahiisa iyo dibaddiisab, iyadoo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hambalyo ku aaddan sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay maalintii xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka, islmarkaana dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay calan Soomaaliyeed u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay qof kasta oo Soomaali ah xaqiijinta hiigsiga soojireenka ah ee ku qotoma Soomaali xor ah oo mideeysan.

Madaxweynaha oo Xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa yiri “Xorriyadda aan maanta ku naalooneyno waa mid lagu soo bixiyay dhiig iyo dhaqaale. Maanta waxaan joognaa guul taasoo kasoo bilaabatay 1960kii markii ay waqooyi iyo koonfur isku darsameen. Guushaas waxay ahayd mid ummadda u horseeday Soomaalinimo iyo midnimo.”, wuxuuna sidoo kale ku ammaanay shacabka Gobollada Waqooyi kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay ku lahaayeen gobonnimo doonkii iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenkaas midnimo iyo wada jireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen, wuxuuna carabka ku adkeeyay in qabyaaladda iyo daneysiga looga adkaan karo in la muujiyo waddaniyad iyo wadajir.

Waxaa loo baahan yahay in isku duubnidii lagu helay Xorriyadda aan hadda heysano oo kale mar kale loo midoobo, islmarkaana la iska dhaafo laab-la kaca aan sii jiri doonin, waayo Soomaalidu waa mid, wadajirkeedana waa muqadas lama taabtaan ah, marka waxaan leeyahay aan wada jirno walaalayaal, gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.

W.D: C/laahi Ruush

Previous Post

DAAWO:- Wareysi Gaar ah R/wasaare ku xigeenka dalka oo ka hadlay maalinta Xorriyadda 26-June

Next Post

Ciidanka Xoogga dalka oo Nabad diidka Alshabaab ka xoreeyey deegaano horleh oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo Nabad diidka Alshabaab ka xoreeyey deegaano horleh oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose

Ciidanka Xoogga dalka oo Nabad diidka Alshabaab ka xoreeyey deegaano horleh oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In