Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tiirka Maamul Wanaagga ee Qorshaha Isbedelka Qaranka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Tiirka Maamul Wanaagga ee Qorshaha Isbedelka Qaranka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo qabanqaabisay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo ku saabsan Tiirka Maamul Wanaagga ee Qorshaha Isbedelka Qaranka (QIQ; 2025-2029).

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda ee Muqdisho, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin sar sare oo ka kala socday Wasaaradaha, waaxyaha, iyo hay’adaha dowladda ee ku lugta leh Tiirarka Maamul Wanaagga.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Aqoon-is-weydaarsiga ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo muhiim u ah tiirkan, oo ay ka mid yihiin:

– Dejinta iyo qeexidda qaybaha muhiimka ah ee uu tiirkan ka koobnaan doono.

– Khariidaynta xogta iyo hababka casriga ah ee loo adeegsanayo maamulka iyo ururinta xogta.

– Soo bandhigidda hababka shaybaarka casriga ah oo lagu horumarinayo maamul wanaagga.

Tiirka Maamul Wanaagga wuxuu ka kooban yahay qaybo dhowr ah oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1. Amniga iyo ku dhaqanka sharciga: Ujeedadu waa in la xaqiijiyo amni waara iyo nidaam cadaalad ah oo lagu kalsoonaan karo.

2. Dib-u-habaynta hay’adaha dowladda: Tani waxay ujeedadeedu tahay in la helo hay’ado dowladeed oo isla xisaabtan leh.

3. Maamul loo dhan yahay: Waxaa la doonayaa in la helo adeegyo caddaalad iyo sinaan leh oo la heli karo, si loo xaqiijiyo xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara.

Ka qaybgalayaasha aqoon-is-weydaarsigan waxay heleen dulmar guud oo ku saabsan yoolalka iyo istaraatiijiyadaha QIQ. Waxaa si qoto dheer looga dooday qaybaha kala duwan ee tiirkan muhiimka ah, iyadoo la isweydaarsaday fikrado iyo talooyin ku saabsan sida loo hirgelin karo himilooyinka qorshahan.

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid horseeda isbeddel dhab ah oo ku yimaada habka maamulka iyo hufnaanta hay’adaha dowladda. Waxaana la filayaa in aqoon-is-weydaarsigan uu gacan ka geysan doono hirgelinta himilooyinka Qorshaha Isbedelka Qaranka, kaas oo looga gol leeyahay in lagu gaaro horumar waara iyo maamul wanaag hufan.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxay mar kale ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay in la hirgeliyo himilooyinka Qorshaha Isbedelka Qaranka (QIQ; 2025-2029) iyada oo la adeegsanayo tiirarkan muhiimka ah, si loo xaqiijiyo horumar iyo barwaaqo waarta oo loo dhan yahay.

Previous Post

Aqoon-isweydaarsiga Tebinta Warbixinnada Xafiiska Hantidhowrka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo booqday xarunta Maamulka Xogta ee Dowladda Shiinaha

Next Post
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo booqday xarunta Maamulka Xogta ee Dowladda Shiinaha

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo booqday xarunta Maamulka Xogta ee Dowladda Shiinaha

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In