Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Todobaadka dhaqanka oo lagu soo gabo gabeeyay Jaamacadda SIU “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Todobaadka dhaqanka oo lagu soo gabo gabeeyay Jaamacadda SIU “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddan lagu soo gabo gabeynayay todobaadka dhaqanka ee Jaamacadda SIU oo ka qeyb galeen Maamulka sare ee Jaamacadda, Macalimiin, Abwaanno uu ka midyahay Abwaan Singub, arday iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay ayaa maanta lagu qabtay xarunta saddexaad ee Jaamacadda ee magaalada Muqdisho.

Todobaadka dhaqanka ee sanadkan ayaa waxaa ku tartamayay arday ka kala socotay saddex kuliyadood oo kala ah kuliyadda Cilmiga iyo bulshada, kuliyadda Caafimaadka iyo kuliyadda ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxaana ay ardaydu goobta ku soo bandhigeen bandhig faneed ka turjumayay dhaqanka Soomaaliya, iyadoo ay guddiga garsoorka ay ahaayeen Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub, Cabdikariin Shire Xuseen Sandheere, Mahad Xasan Fareey iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdi Aadan

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub ayaa ku dhawaaqay natiijada sida ay u kala guuleysteen saddexda kuliyadood ee todobaadka dhaqanka soo bandhigay, isagoo amaan u jeediyay sida ay uga qeyb qaateen todobaadka dhaqanka ardaydii bandhig dhaqameedka soo gudbisay oo uu xusay in kaalinta koowaad ay galeen ardayda Kuliyadda caafimaadka, halka kuliyadaha cilmiga bulshada iyo dhaqaalaha ay kaalinta labaad wada galeen.

Mid ka mid ah ardayda Kuliyadda Caafimaadka oo ku hadlayay magaca kuwa ku guuleystay tartanka ayaa sheegay in jeedka ugu weyn ay tahay in ardayda dhigata kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda ay isku bartaan, isla markaana ay ka qeyb qaataan xoojinta dhaqanka Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda SIU Maxamed Yuusuf Sheekh oo gabo gabadii goobta hadal ka jeediyaya ayaa hoosta ka xariiqay in Jaamacadda SIU ay todobaadka dhaqanka qabaneyso sanadkii saddexaad, isla markaana u jeedka Jaamacaddu uu yahay in ardayda lagu baraarujiyo xoojinta dhaqankeena suuban, ayna ka qaataan door fir fircoon.

Gabo gabadii munaasabadda waxaa shahaaddo sharaf la guddoonsiiyay Guddiga abwaanada ee munaasabadda goob jooga ka ahaa iyo qaar ka mid ah arday ka kala socotay saddexda kuliyadeed ee ka qeyb qaadatay todobaadka dhaqanka ee Jaamacadda SIU.

1 2 3 culusow IMG_0345 IMG_0347 IMG_0355 IMG_0356 IMG_0357 IMG_0359 IMG_0360 IMG_0362 IMG_0364 IMG_0369 IMG_0375 IMG_0378 IMG_0379 IMG_0381 IMG_0382 IMG_0386 IMG_0388 IMG_0389 IMG_0392 IMG_0395 IMG_0403 IMG_0407 IMG_0420 IMG_0428 IMG_0429 IMG_0433 IMG_0441 IMG_0442 IMG_0443 IMG_0445 IMG_0449 IMG_0472 IMG_0475 IMG_0481 IMG_0487 IMG_0490 IMG_0494 IMG_0502 IMG_0504 IMG_0509 IMG_0523 IMG_0524 IMG_0526 IMG_0527 IMG_0534 IMG_0557 IMG_0563 IMG_0565 IMG_0567 IMG_0587 IMG_0590 IMG_0592 IMG_0605 IMG_0606 IMG_0607 IMG_0609 IMG_0611 IMG_0615 IMG_0618 IMG_0646 IMG_0648 IMG_0658  IMG_0682 IMG_0684 IMG_0688 IMG_0703 IMG_0711 IMG_0714 IMG_0716 IMG_0724 IMG_0734 IMG_0749 IMG_0750 IMG_0754

 

Previous Post

Waxqabadkii Turkiga ee Soomaaliya oo noqday mid aan La Illaabin

Next Post

Wasiir Diini  oo Tababar ugu soo xirey Xerada Jazeera Saraakiil ka tirsan C.X.D.S “SAWIRRO”

Next Post
Wasiir Diini  oo Tababar ugu soo xirey Xerada Jazeera Saraakiil ka tirsan C.X.D.S “SAWIRRO”

Wasiir Diini  oo Tababar ugu soo xirey Xerada Jazeera Saraakiil ka tirsan C.X.D.S "SAWIRRO"

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In