Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Towfiiq: Qoysas abaartu saameysay oo kaalmo la gaarsiiyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Towfiiq: Qoysas abaartu saameysay oo kaalmo la gaarsiiyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qoysas abaarta ku xoola beelay ayaa la gaarsiiyay deeq uu ku taakuleyay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad

Deeqdaan oo uu soo dhiibay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa hay’adda maxaligaa ee Towfiiq Aid Foundition gaarsiisay ilaa iyo 450 qoys oo ka mida qoysaska abaaraha ku xoola beelay kuwaasi ku kala sugnaa deegaanka Towfiiq ee  Gobalka Mudug iyo qoysas naftooda lasoo magan saday  gudaha  magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee deegaanka Towfiiq Maxamuud Yuusuf Xirsi Bur le’eg)  ayaa Warbaahinta Qaranka uga warbixiyay tirada deeqda ay soo  gaarsiiyeen Mas’uuliyiintii ka socatay hay’adda Towfiiq Aid Foundition isagoo uga mahad celiyay Guddoomiy  ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

“Halkaan waxaan kula wareegnay raashin loogu tala galay 350 qoys oo qoyskiiba leeyahay haaf bariis ah, haaf sokor ah iyo caagad saliida waxaana uga mahad celinaynaa guddoomiye Cawad deeqdaan uu ku soo caawiyay dadka abaarta ku xoola beelay ee naftooda ula soo cararay deegaanka kaddib markii ay abaarta uga dhamaadeen xoolihii ay nolashooda ku tiirsaneyd” ayuu yiri Maxamuud Yuusuf.

Qaar ka mida dadkii deeqda la siiyay ayaa dhankooda ka mahad celiyay iyagoo ka dhawaajiyay ineey baahi weyn u qabeen, dhanka kalana ka dhawaajiyay in inta badan aysan soo gaarin gurmadyada lagu taakuleeynayo dadka ku xoola beelay abaaraha

Ugu Danbeyna Guddoomiyaha Deegaanka Towfiiq Maxamed Cabdiqaadir Axmed  ayaa sheegay in maalinba maalinta ka danbeysa ay sii kordheyso tirada qoysaska abaaraha ku ceyrtoobay ee soo gaaraya deegaanka Towfiiq.

Abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo isa sii taraya ayaa wali ka jira guud ahaan deegaanada Gobalka Mudug inkastoo haatan abaaraha xoogoodu ay yihiin kuwa laga dareemayo deegaanada Godad, Gacnefale, Ceel Bardaale, Balibusle, Jariiban iyo Towfiiq kuwaasi oo dhamaantood ka tirsan deegaanada dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Previous Post

Xaalad Dawo La,aan ah oo ka Jirta Isbitaalka Banaadir

Next Post

Qoysaska Xiingalool oo codsaday in la gargaaro

Next Post
Qoysaska Xiingalool oo codsaday in la gargaaro

Qoysaska Xiingalool oo codsaday in la gargaaro

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In