Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga ayaa soo badbaadiyey 388 Tahriibe oo dowladda Giriigu dib u soo celisay

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Turkiga ayaa soo badbaadiyey 388 Tahriibe oo dowladda Giriigu dib u soo celisay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Turkiga ayaa badbaadiyay 388 magangalyo doon ah intii u dhaxeysay 17-kii ilaa iyo 22-kii bishan July,muhaajiriintan oo ay dib u celiyeen ciidamadii Giriigga ee ku sugnaa Badda Aegean dhanka biyaha Turkiga, sida ay masuuliyiintu sheegeen Talaadadii.

Wadar ahaan 217 magangalyo doon ah ayaa laga soo badbaadiyey xeebta Seferihisar ee galbeedka gobolka Izmir iyadoo labo tuhmane oo tahriibina la xiray intii u dhaxeysay July 18 iyo July 21. intaas waxaa sii dheer, 78 magangalyo doon ah ayaa laga helay xeebta Dikili intii u dhaxeysay July 17 iyo July 20.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026

Bishii Luulyo 22, 26 magangalyo doon ah ayaa laga badbaadiyay xeebta degmada Izmir ee Foça iyadoo sidoo kale la soo badbaadiyay 67 kale oo ajaanib ah oo ku xanniban dooni ka soo shiraacday degmada Çeşme.

Turkiga iyo Giriigga ayaa ah marin muhiim u ah muhaajiriinta doonaya inay u sii gudbaan Yurub, iyagoo ka cararaya dagaallada iyo cadaadisyada si ay nolol cusub u bilaabaan Yurub.

Xigasho: Daily sabah.

Previous Post

Labada Kuuriya oo dib u furayo khadadka isgaarsiinta ee ka dhaxeeyay labada Dal.

Next Post

Waqtiga  iyo garoonka ay ka dhacayso Ciyaarta Finaalka Horyaalka Dalka oo la shaaciyey 

Next Post
Waqtiga  iyo garoonka ay ka dhacayso Ciyaarta Finaalka Horyaalka Dalka oo la shaaciyey 

Waqtiga  iyo garoonka ay ka dhacayso Ciyaarta Finaalka Horyaalka Dalka oo la shaaciyey 

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ciidanka Qaranka...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In