Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo maalmaha soo socda shidaal ka baaraya Soomaaliya. warbixin

Turkiga oo maalmaha soo socda shidaal ka baaraya Soomaaliya. warbixin

Ali Ahmed by Ali Ahmed
2 years ago
in Wararka
0
Turkiga oo maalmaha soo socda shidaal ka baaraya Soomaaliya. warbixin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maraakiib laga leeyahay dalka Turkiga ayaa qorsheynaya ineey soo gaaraan xeebaha Soomaaliya dhamaadka bishaan October, iyagoo billaabi doona raadinta saliidda iyo gaasta dabiiciga ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysay wasaaradda tamarta ee Turkiga maalinimadi shalay.

Tallaabadaan ayaa dabasocota heshiis dhanka tamarta ah oo bishii Maarso ay wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiye,kaas oo dhigayey in shidaal baarista iyo soo saarista loo ogolaado in Turkish Petroleum ay shatiyo ka hesho saddex goobood oo ku yaala badda Soomaaliya.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Markabka Oruç Reis ayaa sahamin doona dhul gaaraya ku dhawaad ​​5,000 oo kiilo mitir oo isku wareeg ah oo u dhigma (1,930 mayl laba jibaaran),sida ay ka dhawaajiyeen wasaaradda tamarta oo intaa ku dartay in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ka qeybgali doono xafladda ambabaxa maraakiibtaasi ee dhinaca Soomaaliya.

“Waxaan saadaalineynaa in aagga uu markabka Oruç Reis ka shaqeyn doono uu yahay gobol leh rajooyin shidaal,” Wasiirka tamarta Alparslan ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Markabkaan Oruç Reis ayaa waxaa shaqadiisa ku wehlin doona labo markab oo kuwa badda ah iyo maraakiib taakuleyn ah waxayna imaan doonaan xeebaha Soomaaliya iyagoo soo mari doona badda Mediterranean-ka, Kanaalka Suez iyo Badda Cas.

Howlaha ku aadan raadinta saliidda iyo gaasta dabiiciga ah ayaa la filayaa inay socoto muddo toddoba bilood ah .

Previous Post

Wasiir Fiqi oo khudbad ka jeediyay shirka Golaha Ammaanka ee QM

Next Post

Israel oo duqeymo culus ka geysatay Lubnaan iyo Gaza

Next Post
Israel oo duqeymo culus ka geysatay Lubnaan iyo Gaza

Israel oo duqeymo culus ka geysatay Lubnaan iyo Gaza

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In