Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga oo maalmaha soo socda shidaal ka baaraya Soomaaliya. warbixin

Turkiga oo maalmaha soo socda shidaal ka baaraya Soomaaliya. warbixin

Ali Ahmed by Ali Ahmed
2 years ago
in Wararka
0
Turkiga oo maalmaha soo socda shidaal ka baaraya Soomaaliya. warbixin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maraakiib laga leeyahay dalka Turkiga ayaa qorsheynaya ineey soo gaaraan xeebaha Soomaaliya dhamaadka bishaan October, iyagoo billaabi doona raadinta saliidda iyo gaasta dabiiciga ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysay wasaaradda tamarta ee Turkiga maalinimadi shalay.

Tallaabadaan ayaa dabasocota heshiis dhanka tamarta ah oo bishii Maarso ay wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiye,kaas oo dhigayey in shidaal baarista iyo soo saarista loo ogolaado in Turkish Petroleum ay shatiyo ka hesho saddex goobood oo ku yaala badda Soomaaliya.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Markabka Oruç Reis ayaa sahamin doona dhul gaaraya ku dhawaad ​​5,000 oo kiilo mitir oo isku wareeg ah oo u dhigma (1,930 mayl laba jibaaran),sida ay ka dhawaajiyeen wasaaradda tamarta oo intaa ku dartay in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ka qeybgali doono xafladda ambabaxa maraakiibtaasi ee dhinaca Soomaaliya.

“Waxaan saadaalineynaa in aagga uu markabka Oruç Reis ka shaqeyn doono uu yahay gobol leh rajooyin shidaal,” Wasiirka tamarta Alparslan ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Markabkaan Oruç Reis ayaa waxaa shaqadiisa ku wehlin doona labo markab oo kuwa badda ah iyo maraakiib taakuleyn ah waxayna imaan doonaan xeebaha Soomaaliya iyagoo soo mari doona badda Mediterranean-ka, Kanaalka Suez iyo Badda Cas.

Howlaha ku aadan raadinta saliidda iyo gaasta dabiiciga ah ayaa la filayaa inay socoto muddo toddoba bilood ah .

Previous Post

Wasiir Fiqi oo khudbad ka jeediyay shirka Golaha Ammaanka ee QM

Next Post

Israel oo duqeymo culus ka geysatay Lubnaan iyo Gaza

Next Post
Israel oo duqeymo culus ka geysatay Lubnaan iyo Gaza

Israel oo duqeymo culus ka geysatay Lubnaan iyo Gaza

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In