Tuesday, October 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tuulada Cayaaraha Dalka gaar ahaan qeybta kubadda Kolleyga oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tuulada Cayaaraha Dalka gaar ahaan qeybta kubadda Kolleyga oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa oo maanta kormeeray Tuulada Ciyaaraha Stadium Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhisayo qeybta Kubadda Kolleyga Garoonka oo ay ka muuqato bur bur lixaadleh oo ka soo gaaray colaadihii dalka ka dhacay.

Kormeerka Wasiirka Cayaaraha oo ay ku wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qaar ka mid ah madaxda Xiriirada kala duwan ee isboortiga, kuwaasi oo soo indha indheeyay qeybta kubadda kollayga ee Tuulada Cayaaraha Dalka.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Guddoomiyaha Xiriirka Cayaaraha kubadda Kollayga Cabdullaahi Nuur Cadaani ayaa sheegay in xiriirkooda uu diyaar u yahay dib u dhiska garoonka, ayna ku qaban doonaan tartamo isboorti.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan iyo Saciid Qoorsheel Wasiir hore, isla markaana qeyb ka ah bahda isboortiga ayaa si wada jir u tilmaamay in garoonku uu u baahanyahay in laga wada qeyb qaato dhismahiisa.

La taliyaha Madaxweynaha Dalka ee arrimaha cayaaraha Maxamed Xuseen Haaddi  oo si kooban uga sheekeeyay taariikhda Tuulada Cayaaraha ayaa sheegay

“Garoonkan ama Tuulada Cayaaraha qorshaheeda waxaan bilownay 1976-dii, shirkii guddiga Olombiyada ee Riyaad lagu qabtay, taasi oo si geesinimo leh aan ku ogolaanay, markii la yiri, Yaa qabanayo cayaaraha Olombikada ee Jaamacadda Carabta?, baannu niri anaga ayaan qabaneyno haddii xoogaa dhaqaale nalagu caawinayo oo geesinimo ah, tiina waxa ay keentay in 21 dowladood oo Jaamacadda Carabta ah inay soo ogolaadaan inay ka soo qeyb galaan, waana tiradii ugu badneyd ee timaada dalka”. Ayuu yiri Maxamed Xuseen.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in kan Wasaarad ahaan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dib u dhiska garoonka, gaar ahaan qeybta kubadda Kolleyga.

“Waa meeshii ugu horeysay ee ay bilad dahab ku qaadatay Soomaaliya, garoonka waa la dhisi doonaa, waxaana ku dhiseynaa barnaamijka Isxilqaan, Wadankan Isxilqaan ayaa lagu dhisay gacan shisheeye laguma dhisin, anagana kan Wasaarad ahaan arrintaas ayaan ka shaqeyneynaa”. Ayuu yiri Wasiirka Cayaaraha Dalka.

Previous Post

Duqa Caasimadda oo guddoomiyeyaasha degmooyinka kala hadlay maareynta daadadka ka dhashay roobkii Caasimadda ka da’ay “SAWIRRO”

Next Post

Laacibka Xulka Argentina Lionel Messi oo macsalaameeyay Kooxda Barcelona

Next Post
Laacibka Xulka Argentina Lionel Messi oo macsalaameeyay Kooxda Barcelona

Laacibka Xulka Argentina Lionel Messi oo macsalaameeyay Kooxda Barcelona

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In