Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

U diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka Coronavirus oo laga shiray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
U diyaar garowga iyo ka hortagga cudurka Coronavirus oo laga shiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shir wadatashi ah oo ku saabsan ka diyaar garoowga cudurka Korona Virus la qaadatay deeq bixiyayaasha, Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee uu quseeyo

Kulanka waxa laga soo saaray Warsaxaafadeed lagu qeexay ahmiyadiisa iyo dadaalada looga hortagayo caabuqa Coron wuxuuna u dhignaa sidatan.

Related posts

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026

Kulanka Deeq-bixiyayaasha iyo Hayadaha Taakuleeya Caafimaadka Soomaaliya

04.03.2020- Wasaasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, iyadoo ka
ambaqaadayso masuuliyadeeda ah in ay si joogta ah ula wadaagto bulshada
Soomaaliyeed, xaaladda caabuqa COVID-19, si bulshadu ula socoto xaaladda caabuqa iyo
dadaalada socda waxay idinla wadaagaysaa war saxaafadeedkaan

1. Wasaaraddu waxay mar kale xaqiijinaysaa in uusan ilaa iyo hadda jirin xaalad la
xariirta caabuqa COVID-19 oo wadanka soo galay. Wasaaradduna waxay dadaal ku
bixinaysaa ka hortaga caabuqa ilaahay ha innaga ilaaliyo.

2. Wasaaraddu waxay maanta kulan ballaaran isugu yeertay dhammaan deeqbixiyayaasha iyo hayadaha taageera caafimaadka dalka. Kulankan oo u jeedadiisu
tahay sidii ay dhaqaala ahaan iyo farsama ahaanba uga qayb qaadan lahaayeen ka
hortagga iyo ka diyaar garowga caabuqa COVID-19

3. Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimadka, Wasiiru
Dowlaha Xafiiska Raysal-Wasaaraha, Agaasimayaal iyo Saraakiil matalaysay
hayadaha kala duwaan ee dowladda, safaaradaha dalalka kala duwan ee aan
saaxibka nahay.

4. Wasaaraddu waxay la wadaagtay kasoo qayb-galayaasha kulanka warbixinta
dadaalada wasaaradda ee ku aadan ka diyaar garowga curudka COVID-19 iyo
qorshaha qaran ee ka hortagga iyo ka diyaar-garowga caabuqo COVID-19

5. Kulanka oo kusoo dhamaaday guul waxaa kasoo baxay qodobadan:
a) Waxaa la isku waafaqay in baahi degdeg ah loo qabo in dhamaan deeqbixiyayaasha iyo hayadaha taageera Caafimaadka ay si degdeg ah isu
abaabulaan kana qayb-qaataan dadaalka loogu jiro ka diyaar garowga iyo ka
hortagga caabuqa COVID-19
b) Samaynta guddi isku dhaf ah oo ka kooban deeq-bixiyaayaasha iyo dowladda
kaas oo ka shaqayn doono sidii la isugu gayn lahaa wixi dhaqaala iyo farasma ah
si loogu kabo ka diyaargowga iyo ka hortagga caabuqa COVID-19
c) In lala wadaago deeq-bixiyaasha iyo hayadaha taageero Caafimaadka si ay qolo
walba qaybteeda uga qaadato, qarashaadka uu u baahanyahay fulinta
qorshahaan
d) Ugu danbayn waxaa dhamaan la isku raacay in howshaan la siiyo mudnaanta
ugu sarrayso, si aan u dardar galinno howlaha ka hortagga iyo ka diyaar garowga
COVID-19

4.March 2020_War-saxaafadeed- COVID-19-converted(3)

Previous Post

Wasiir Sadiiq Warfaa oo qaabilay Madaxa iskaashiga horumarinta Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Safiirka Shiinaha ee Soomaliya oo ka warbixiyey xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Shiinaha

Next Post
Safiirka Shiinaha ee Soomaliya oo ka warbixiyey xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Shiinaha

Safiirka Shiinaha ee Soomaliya oo ka warbixiyey xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Shiinaha

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In