Friday, November 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

U qaabilsanihii Daacish duubista Muuqaallada iyo Qaraxyada goballada Shabeelaha-Hoose iyo Benaadir oo Maanta Maxkamadda Ciidamada ka soo muuqday.

admin by admin
7 years ago
in Wararka, Xulashada
0
U qaabilsanihii Daacish duubista Muuqaallada iyo Qaraxyada goballada Shabeelaha-Hoose iyo Benaadir oo Maanta Maxkamadda Ciidamada ka soo muuqday.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 21-July-2018- Ugu horreynba waxaa loo jeediyay eedda ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii  uu ku soo qaatay kooxaha argagaixisada ee Alshabaab iyo Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013  ka hor inta uusan soo gelin gacant Ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano bood-boodka ee degmada afHo’e ee gobalka shabeelaha Hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018.

Guddoomiayah Maxkamadda D, 1-aad  ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa weydiiyay Jaamac  Xuseen Xasan  jiritaanka dambiyada ay soo  jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

November 20, 2025
Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

November 20, 2025

Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka mid ahaanshiyaha kooxaha arga-gixisada ah balse isku deygiisii ugu horreeyay la soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa kiiskan ku mashquulsanaa tan iyo markii la soo qabatay ilaa 17/05-16/07 ee sanadkan waxa ayna Intaas keddib xafiiska xeer ilaalinta garsorayaasha  weydiisteen in  loo ogolaado Maxkamadda  in  ay hor keeneen caddeymo ay ka mid yihiin qiraalKa  eedeysanah,  markaatiyaal ay ka mid yihiin ciidamada amniga ee  degmada afgo’e  ka soo qabtay eedeysanaha,  muuqaallo laga helay gurigiisa sida camero ay ku duubi jireen falalka argagixisada ah  oo ay kooxdu geysato iyo agab dheeraad ah sida fiilooyin batariyaal iyo qalab kale oo loo isticmaalo wax yaabaha qarxa.

Sharaxaadda  baaritaanka eedeysanaha ayaa waxa ku dheeraaday Gaashanle abuukar weli  oo ka tirsan ciidamada  amniga gaar ahaan qeybta dambi baarista, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay ku ogaadeen arrimo ay ka mid yihiin dilal uu ka geystay Boosaaso, dagaallo uu ka qeyb galay ee ka dhacay goballada  bari ee maamulka Puntland iyo arrimo kale oo la xiriira dhibaatooyinka ay geysteen kooxaha argagixisada ah.

Kabtan Muumin xuseen cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guuud ee ciidamada qlabka sida  ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sharaxay cadeymaha la taaban karo oo isugu jiray muuqaallo iyo agab kale, waxaana daawashada muuqaaladaasi ka muuqday falal argagax leh  oo ah muuqaallo  laga dhex heley Kaamiro  lagu soo qabtay eedeysanaha.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha  Kabtan    Maxamed Cabduqaadir ayaa ka codsaday  Maxkamadda maadamaa eedeysanaha  muddo uu ku qanacsanaa dadinta dhigga in la mid ah inta uu geystay  ay ku fuliso Maxkamddda.

Xeer ilaaliyah guud ee ciidamada qalabaka sida G/sare  Cabdullahi Buula kamey ayaa eedda jeedinta dhankooda ah ku soo xiray in falka nuuca duubista ah ee kooxdan geysato uu yahay mashruuc uusan aheyn diin, waxa uuna maxkamadda ka cosaday in lagu fuliyo xukunnada qodobada ay ku soo eedeeyeen uu dhigayo.

Dhanka kale qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku dooday in markii ugu horreysay eey u aheyd falkan uu geysto shaqsigan ay difaacayaan isla markaana la soo qabtay isagoo wax dhib ah geysan sidaas darteed ay codsadeen in loo naxariisto.

 

Guddoomiyaha  Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qlaabka sida G sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda,  waxa uuna u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in go’aanka ay dib ka soo saari doonaan

Previous Post

In ka badan 10 suxufi oo maanta tabbabarka Muqdisho looga furey

Next Post

Warbixin: Isbedelka ku dhacay qaar kamid ah goobihii Taariikhiga ahaa ee Xamarweyne+sawirro

Next Post
Warbixin: Isbedelka ku dhacay qaar kamid ah goobihii Taariikhiga ahaa ee Xamarweyne+sawirro

Warbixin: Isbedelka ku dhacay qaar kamid ah goobihii Taariikhiga ahaa ee Xamarweyne+sawirro

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

Madaxweynaha JFS oo magacaabay lataliyaha Sare ee Siyaasadda.

November 20, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Dr. Yaxya Ibraahim Macalin La-taliyaha Sare ee Siyaasadda...

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray Abaarta Dalka

November 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta ka qeyb galay shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirrada, kaas...

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

Wasaaradda Haweenka oo Xustay 10 sano guurradii heshiiska Xuquuqda Carruurta ee QM.

November 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qayb galay munaasabad lagu xusayo sanad...

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay heshiisyo caalami ah.

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay heshiisyo caalami ah.

November 20, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In