Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Umulisoon aqoon leh oo la geyn doono degmooyinka iyo gobolla dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Umulisoon aqoon leh oo la geyn doono degmooyinka iyo gobolla dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Maxamed Cabdi ( Daalo ) oo ka qeyb galayey munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Umulisadda oo sanad waliba la xuso 5ta May ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid noqotay afarta dal ee ugu hooseysa ee hooyadu ay ku dhimato xilliyada uurka, dhalmada iyo Umusha, taasna ay sabab u tahay aqoon la’aanta heysata Umulisooyinka Soomaaliyeed,

Wasiir ku-xigeenku waxa uu intaas ku daray in Wasaaradda Caafimaadka oo kaashaneysa Hey’adda bad-baadinta hooyada iyo dhallaanka ee UNFPA ay Gobolada iyo degmooyinka dalka gaarsiin doonto adeeg caafimaad iyo Umuliso aqoon leh.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026

Munaasabadda oo lagu qabtay Dugsiga tababaradda ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye waxaa goobjoog ka ahaa Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, xubno ka socday Ururka haweenka ee Qaranka iyo kan Gobolka, Madax kasocotay Hey’adda Caafimaadka taageera sida UNFPA, waxa ay sheegeen dhammaan ka qeyb galayaasha in ay muhiim tahay in laga fakaro Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Guddoomiyaha Ururka Umulisooyinka Soomaaliyeed  Xaliimo Cabdi Shiiq ayaa sheegtay in maalin waliba Dalka ay ku geeriyoodaan 14 dumar ah baahida umuliso aqoon leh loo qabo awgeed.

Grace, oo ka mid ah Madaxda Hey’adda UNFPA ayaa tiri: “Waa arrin aad u adag sida Maama Xaliima oo ah Gudoomiyaha ururka umulisooyinka ay sheegtay in maalin walba hooyo ay dhimato, UNFPA waxa ay idinku dhiirigelineysaa in aad xoogga saartaan in aad ka gudubtaan dhibaatadaas, waxa ay sidoo kale u mahadcelisay Garise Madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo ay sheegtay in ay shaqo wanaagsan qabteen.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa kusoo bandhigtay Munaasabadda Manhaj Cusub oo ay ugu talagashay in ay wax ku bartaan Umulisooyinka kaas oo dhaqan gali doona wixii hadda ka bilawda.

Ugu danbeytii Marwo Sahro Cumar Xasan Marwada Madaxweynaha Dalka oo soo xirtay Munaasaddii xuska Maalinta umulisada adduunka ayaa  shahaadooyinka gudoonsiisay 23 Gabdhood oo ka baxay dugsiga lagu barto Cilmiga umulinta ee Muqdisho oo hoos yimaada Wasaaradda Caafimaadka.

Halku dhigga sanadkan ee xuska maalinta umulisadda waxa uu ahaa “ Umulisada wanaagsan waa Mustaqbalka berrito”

IMG_0002 IMG_0053 IMG_0082 IMG_0111 IMG_0137 IMG_0144 IMG_0201 IMG_0244 IMG_0257 IMG_0283

 

Previous Post

Muungaab oo ka tacsiyeeyay geerida gudoomiye ku xigeenkii Wadajir

Next Post

Siminaar ku saabsan sare u qaadidda aqoonta ganacsatada oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”

Siminaar ku saabsan sare u qaadidda aqoonta ganacsatada oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In