Saturday, January 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Umulisoon aqoon leh oo la geyn doono degmooyinka iyo gobolla dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Umulisoon aqoon leh oo la geyn doono degmooyinka iyo gobolla dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cismaan Maxamed Cabdi ( Daalo ) oo ka qeyb galayey munaasabad lagu xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Umulisadda oo sanad waliba la xuso 5ta May ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid noqotay afarta dal ee ugu hooseysa ee hooyadu ay ku dhimato xilliyada uurka, dhalmada iyo Umusha, taasna ay sabab u tahay aqoon la’aanta heysata Umulisooyinka Soomaaliyeed,

Wasiir ku-xigeenku waxa uu intaas ku daray in Wasaaradda Caafimaadka oo kaashaneysa Hey’adda bad-baadinta hooyada iyo dhallaanka ee UNFPA ay Gobolada iyo degmooyinka dalka gaarsiin doonto adeeg caafimaad iyo Umuliso aqoon leh.

Related posts

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

January 17, 2026
Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

January 17, 2026

Munaasabadda oo lagu qabtay Dugsiga tababaradda ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye waxaa goobjoog ka ahaa Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan, Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, xubno ka socday Ururka haweenka ee Qaranka iyo kan Gobolka, Madax kasocotay Hey’adda Caafimaadka taageera sida UNFPA, waxa ay sheegeen dhammaan ka qeyb galayaasha in ay muhiim tahay in laga fakaro Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Guddoomiyaha Ururka Umulisooyinka Soomaaliyeed  Xaliimo Cabdi Shiiq ayaa sheegtay in maalin waliba Dalka ay ku geeriyoodaan 14 dumar ah baahida umuliso aqoon leh loo qabo awgeed.

Grace, oo ka mid ah Madaxda Hey’adda UNFPA ayaa tiri: “Waa arrin aad u adag sida Maama Xaliima oo ah Gudoomiyaha ururka umulisooyinka ay sheegtay in maalin walba hooyo ay dhimato, UNFPA waxa ay idinku dhiirigelineysaa in aad xoogga saartaan in aad ka gudubtaan dhibaatadaas, waxa ay sidoo kale u mahadcelisay Garise Madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo ay sheegtay in ay shaqo wanaagsan qabteen.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa kusoo bandhigtay Munaasabadda Manhaj Cusub oo ay ugu talagashay in ay wax ku bartaan Umulisooyinka kaas oo dhaqan gali doona wixii hadda ka bilawda.

Ugu danbeytii Marwo Sahro Cumar Xasan Marwada Madaxweynaha Dalka oo soo xirtay Munaasaddii xuska Maalinta umulisada adduunka ayaa  shahaadooyinka gudoonsiisay 23 Gabdhood oo ka baxay dugsiga lagu barto Cilmiga umulinta ee Muqdisho oo hoos yimaada Wasaaradda Caafimaadka.

Halku dhigga sanadkan ee xuska maalinta umulisadda waxa uu ahaa “ Umulisada wanaagsan waa Mustaqbalka berrito”

IMG_0002 IMG_0053 IMG_0082 IMG_0111 IMG_0137 IMG_0144 IMG_0201 IMG_0244 IMG_0257 IMG_0283

 

Previous Post

Muungaab oo ka tacsiyeeyay geerida gudoomiye ku xigeenkii Wadajir

Next Post

Siminaar ku saabsan sare u qaadidda aqoonta ganacsatada oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Xoojinta amniga degmada Xamarweyne oo laga shiray “SAWIRRO”

Siminaar ku saabsan sare u qaadidda aqoonta ganacsatada oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, Mudane Prof. Salim Aliyoow Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la...

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SOUTH SUDAN):-Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u muujisay taageero buuxda oo ay u hayso mowqifyada Midowga...

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laasacaanood ku qaabilay, wafdi...

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Magaalada Laascaanood ee xarunta Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa caawa ka dhacay banaanbax weyn oo lagu taageeray midnimada iyo wadajirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In