Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

UPU oo Soomaaliya ka caawineysa ammaanka boostada dibedda “Sawirro”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
UPU oo Soomaaliya ka caawineysa ammaanka boostada dibedda “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Berne, Switzerland – 13 Febraayo 2020) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa heshiis la saxiixatay Midowga Boostada Adduunka (UPU), kaas oo dalkeena looga caawinayo sidii loo sugi lahaa ammaanka boostada dalka dibeddiisa u baxaysa.

Saxiixa heshiiskan oo ka dhacay xarunta dhexe ee UPU ee caasimadda dalka Switzerland ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay Wasiirka Wasaaradda, Md. Eng Cabdi Cashur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar Xuseen. Ujeeddada heshiiskan ayaa ah sidii loo dhisi lahaa awoodda boostada ee dhinaca ammaanka, iyada oo laga taageerayo qalabka, tababarka iyo dajinta siyaasado iyo istaraatiijiyado lagu sugayo ammaanka boostada ka baxaysa dalka, waxaana mashruucan maalgelinaysa Dawladda Japan.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Mashruucan ayaa imanaya iyada oo uu gabagabo marayo qorshaha ay Boostadeenu ku billaabeyso inay dalka dibeddiisa wax u dirto markii ugu horreysay tan iyo 1991-kii, markaas oo adeeggii boostada uu burburay, iyada oo iminka ay gabagabo marayaan diyaarinta siyaasadiha iyo habraacyada, tababarka shaqaalaha, diyaarinta agabka sida tikidhada (farangaboolooyinka), xaruntii boostada ee garoonka Muqdisho, xiriirka diyaaradaha, iwm.

“Mashruucan wuxuu ku soo aaday xilli muhiim ah oo aan isku diyaarineyno inaan billowno boostada dibedda. In boostada dibedda loo diro waa shaqo aad u adag oo u baahan inaad buuxiso shuruudo badan, oo lama mid aha marka boostada imanayso oo aad ku qeybin karto hal meel,” ayuu yiri wasiirka oo si gaar ah u xusay in mashruucan ka mid yahay waxyaabaha loo soo fasaxay wasaaradda ka dib markii ay sanadkii 2019-kii dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Ururka, taas oo u xannibneyd bixin la’aanta qaaraanka UPU tan iyo 1983-dii.

“Waxa aan u mahadcelinayaa Maamulka sare ee UPU, gaar ahaan Danjire Bishaar, oo nagala shaqeeyay mashruucan iyo kuwii ka horreeyay ee lagu soo nooleynayay boostada dalka” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Dhinaca kale Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya shirka heerka sare ee horumarinta adeegyada boostada adduunka, kaas oo maanta ka furmay xarunta dhexe ee UPU ee caasimadda dalka Switzerland. Shirkan ayaa looga hadlayaa baahida loo qabo isbeddello lagu sameeyo qaabka ay u shaqeyso UPU, xilli horumar weyn laga gaaray arrimaha teknolojiyada, ayna soo baxeen boostooyin gaar loo leeyahay, kuwaas oo hoos u dhigay qaar ka mid ah adeegyadii ay boostadu qaban jirtay.

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shir-sanadeedka Garsoorka+sawirro

Next Post

Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo Bankiga Aduunka oo Shir uga furay Magaaladda Nayroobi “Sawirro”

Next Post
Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo Bankiga Aduunka oo Shir uga furay Magaaladda Nayroobi “Sawirro”

Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo Bankiga Aduunka oo Shir uga furay Magaaladda Nayroobi "Sawirro"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In