Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Urur Goboleedka IGAD oo ka shiray abaaraha gobolka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Urur Goboleedka IGAD oo ka shiray abaaraha gobolka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirada Wadamada IGAD ee qaabilsan dhirta, beeraha, Daaqa iyo kahortagga abaaraha ayaa shir ay ku yeesheen magadaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya waxay ku daah fureen Mashruuc  iskaashi oo kahortaga abaaraha gobolka iyo isu gudbidda xuduudaha ee dadka iyo xoolahaba sidii horumar loogu gaari  lahaa,

Shirkaas waxaa shir  guddoominayay Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Itoobiya, waxaana isku soo duba riday shirka Xoghayaha Guud ee IGAD Ambassador Mahbuub Moalim iyo Ambassador Adam Kuach oo ah Madaxa Midowga Yurub u fadhiya dalalka IGAD ee fadhigiisu yahay Djibouti.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026

Waxaa shirka sidoo kale  ka qaybgalay oo Soomaaliya u matalayay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid oo sidoo kale ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,Wasiirka Deegaanka iyo Keymaha South Sudan Hon. Josephine Napwon Cosmos,Wasiirka Beeraha iyo Keymaha Suudaan Prof. Ibrahim Adam Aldukheyri,Wasiirka Diyaargarowga Masiibooyinka iyo Qaxootiga ee Uganda Hon. Musa Eweru, Wasiirka Golaha Sare deegaanka ee Khartoum General Omar Ahmed Nimir,Xoghayaha Joogtada ah ee Qorsheynta iyo Maamul Daadajinta ee Kenya Ms.Josephta Oyiela Mukobe, iyo Wakiilka Gaar ah iyo lataliye Sare ka hortaga Abaaraha Wasaarada Beeraha Djabouti Mr.Ismail ELmi Habaneh.

Mashruucaan oo ah mashruuc ay iska kaashanayaan Wadamada Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa maalgalinaya Midowga Yurub, waxaanu ku kacayaa adduun dhan 63 Milyan oo Euro.

Shirkaan aya waxaa diiradda lagu saaray abaaraha kasii daraya ee ku habsadey wadamada Bariga Afrika, iyadoo la isku raacay in Soomaaliya ay tahay meelaha ugu khatar badan,waxaa shirku isla ogolaadey qodobo muhiim ah oo ay ka mid tahay in Shir madaxeedka soo socda la horgeeyo qodobo la taaban karo oo lagula tacaalayo abaaraha saamayntoodu xumaanayso ee gobolka ka jira.

Waxaa kale oo kamid ahaa in bah-wadaagta caalamiga ahi ay gacan weyn ka gaystaan sidii loo yareyn lahaa saamaynta iyo dhibka ay gaystaan abaaraha.

Waxaa iyaguna doorkooda shirka si weyn uga soo qayb galay wadamada iyo ururada deeqda bixiya ee caalamiga ah kuwaasoo balan-qaaday inay si dhow ula soconayaan saamaynta isa soo taraysa ee abaarahu ku yeesheen dadka iyo xoolaha bariga Afrika.

IMG_0926 IMG_1061 IMG_1106 IMG_1143 IMG_1145 IMG_1147

Previous Post

Ehelada muwaadin lagu dilay Sacuudiga oo codsi u diray dowladda

Next Post

Guddoonka Baarlamaanka Oo Shaaciyey Magacyada Guddiga Doorashada Madaxweynaha ….Akhriso

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Guddoonka Baarlamaanka Oo Shaaciyey Magacyada Guddiga Doorashada Madaxweynaha ….Akhriso

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ayaa saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

March 13, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka...

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In