Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururada Bulshada rayidka Hirshabeelle oo Kulan ka yeeshay Hanaanka Dib u Eegista Qaybo Qoraalka Dastuurka+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ururada Bulshada rayidka Hirshabeelle oo Kulan ka yeeshay Hanaanka Dib u Eegista Qaybo Qoraalka Dastuurka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururada Bulshada rayidka ah ee Dowlad Gobboleedka Hir-Shabelle Soomaaliya ayaa kulan aragti is-waydaarsi ah oo lagu lafa gurayey hannaanka dib-u- eegista Dastuurka Soomaaliya ku yeeshay magaalada Jowhar. Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay Dallada Jillayaasha Aan Dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya-SOSCENSA, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay qaybaha kala-duwan ee Ururada Bulshada Rayidka Hir-Shabeelle sida Culumaa-udiinka, Ururada haweenka, Dhallinyarada, Odayaasha Dhaqanka, Warbaahinta iyo Jaamacadaha.

Ujeedada kulanka ay isugu yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka ayaa ahaa:-

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
  1. In bulashada rayidku ay aragti is-waydaarsi ka yeeshaan halka uu marayo geeddi socodka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.
  2. In ay ka tashadaan kaalintooda kaga aadan ka qeyb-galka dib-u-eegista dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo caqabadaha ka haysta ka qayblka hannaanka.
  1. Hababka ugu haboon ee loo dhaqaajin karo dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.

Ka qeyb-galayaasha ka socday ururada Bulshada Rayidka ayaa wada qaatay dood dheer, wadatashi iyo falanqeyn ku aadan geeddi socodkaa dib-u-eegista Dastuura, kaalinta bulshada rayidka, caqabadaha ka heysta ka qayb-galka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka iyo hababka ugu haboon ee loo dhaqaajin karo, waxa ay soo saareen talooyinka hoos ku xusan:

  1. In Hanaanka Dib u Eegista Qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliya uu noqdo hannaan Soomaalidu ay gacantooda kujira beesha caalmkana ay soo fara-galin
  2. In Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobbaleedyada Dalka ay ka dhabeeyaan in Qabyo Qoraalka Dastuurka uusan dhaafin dhammaadka 2018.
  3. In Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobbaleedyada Dalka ay door muhiim ah ka siiyaan Ururada Bulshada Rayidka ah Geedi socodka Dib-u-eegista Daastuurka, maadaama ay iyagu ku dhexjiraan Bulsho waynta Soomaaliyeed.
  4. In qorshaha guud ee loo diyaariyay hannaanka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya(CRP Road Map) aan lasoo bandhigin iyada oo aan dib-u- eegis lagu samayn, Bulshada Rayidka ahna laga qayb galin .
  5. In Geeddi socodka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya aas-aas looga dhigo mabaadii’da shareecada Islaamka.
  6. In Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka laga qayb galiyo qubaro aqoon u leh shareecada Islaamka iyo Qawaaniinta Caalamiga.
  7. In la qabto wacyigalin ballaaran oo ku saabsan Geeddi socodka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya iyada oo la gaarsiinaayo dhammaan Bulshada Soomaaliyeed , gobbal ilaa Tuulo iyada oo Ururada Bulshada Rayidka ahna ay qabanayaan wacyigalinadaas. Gaba-gabada kulanka, kasoo qayb galyaasha ayaa u mahad celiyay Dallada SOSCENSA oo soo abaabushay kulanka halka maalinka ahaa ee lagu lafa-guraayay Geeddi socodka Dib u Eegista Qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa dalka Masar oo khadka telefoonka ku wada hadlay

Next Post

Madaxa CIA Mareykanka oo la kulmay Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kullan qarsoodi ah

Next Post
Madaxa CIA Mareykanka oo la kulmay Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kullan qarsoodi ah

Madaxa CIA Mareykanka oo la kulmay Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kullan qarsoodi ah

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In