Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururada Bulshada rayidka Hirshabeelle oo Kulan ka yeeshay Hanaanka Dib u Eegista Qaybo Qoraalka Dastuurka+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ururada Bulshada rayidka Hirshabeelle oo Kulan ka yeeshay Hanaanka Dib u Eegista Qaybo Qoraalka Dastuurka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururada Bulshada rayidka ah ee Dowlad Gobboleedka Hir-Shabelle Soomaaliya ayaa kulan aragti is-waydaarsi ah oo lagu lafa gurayey hannaanka dib-u- eegista Dastuurka Soomaaliya ku yeeshay magaalada Jowhar. Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay Dallada Jillayaasha Aan Dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya-SOSCENSA, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay qaybaha kala-duwan ee Ururada Bulshada Rayidka Hir-Shabeelle sida Culumaa-udiinka, Ururada haweenka, Dhallinyarada, Odayaasha Dhaqanka, Warbaahinta iyo Jaamacadaha.

Ujeedada kulanka ay isugu yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka ayaa ahaa:-

Related posts

๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐๐š๐ฑ๐จ๐จ๐ญ๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฌ๐š๐š๐ฆ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐„๐ฅ ๐๐ขรฑ๐จ

September 27, 2026
JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
  1. In bulashada rayidku ay aragti is-waydaarsi ka yeeshaan halka uu marayo geeddi socodka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.
  2. In ay ka tashadaan kaalintooda kaga aadan ka qeyb-galka dib-u-eegista dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo caqabadaha ka haysta ka qayblka hannaanka.
  1. Hababka ugu haboon ee loo dhaqaajin karo dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.

Ka qeyb-galayaasha ka socday ururada Bulshada Rayidka ayaa wada qaatay dood dheer, wadatashi iyo falanqeyn ku aadan geeddi socodkaa dib-u-eegista Dastuura, kaalinta bulshada rayidka, caqabadaha ka heysta ka qayb-galka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka iyo hababka ugu haboon ee loo dhaqaajin karo, waxa ay soo saareen talooyinka hoos ku xusan:

  1. In Hanaanka Dib u Eegista Qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliya uu noqdo hannaan Soomaalidu ay gacantooda kujira beesha caalmkana ay soo fara-galin
  2. In Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobbaleedyada Dalka ay ka dhabeeyaan in Qabyo Qoraalka Dastuurka uusan dhaafin dhammaadka 2018.
  3. In Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobbaleedyada Dalka ay door muhiim ah ka siiyaan Ururada Bulshada Rayidka ah Geedi socodka Dib-u-eegista Daastuurka, maadaama ay iyagu ku dhexjiraan Bulsho waynta Soomaaliyeed.
  4. In qorshaha guud ee loo diyaariyay hannaanka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya(CRP Road Map) aan lasoo bandhigin iyada oo aan dib-u- eegis lagu samayn, Bulshada Rayidka ahna laga qayb galin .
  5. In Geeddi socodka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya aas-aas looga dhigo mabaadiiโ€™da shareecada Islaamka.
  6. In Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka laga qayb galiyo qubaro aqoon u leh shareecada Islaamka iyo Qawaaniinta Caalamiga.
  7. In la qabto wacyigalin ballaaran oo ku saabsan Geeddi socodka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya iyada oo la gaarsiinaayo dhammaan Bulshada Soomaaliyeed , gobbal ilaa Tuulo iyada oo Ururada Bulshada Rayidka ahna ay qabanayaan wacyigalinadaas. Gaba-gabada kulanka, kasoo qayb galyaasha ayaa u mahad celiyay Dallada SOSCENSA oo soo abaabushay kulanka halka maalinka ahaa ee lagu lafa-guraayay Geeddi socodka Dib u Eegista Qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliya.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa dalka Masar oo khadka telefoonka ku wada hadlay

Next Post

Madaxa CIA Mareykanka oo la kulmay Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kullan qarsoodi ah

Next Post
Madaxa CIA Mareykanka oo la kulmay Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kullan qarsoodi ah

Madaxa CIA Mareykanka oo la kulmay Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kullan qarsoodi ah

๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐๐š๐ฑ๐จ๐จ๐ญ๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฌ๐š๐š๐ฆ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐„๐ฅ ๐๐ขรฑ๐จ

๐’๐จ๐ƒ๐Œ๐€ ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐๐š๐ฑ๐จ๐จ๐ญ๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฌ๐š๐š๐ฆ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐„๐ฅ ๐๐ขรฑ๐จ

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hayโ€™adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hayโ€™adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso โ€œSoddonโ€ , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ค๐ฎ ๐›๐จ๐ ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ ๐š๐ฅ๐ฒ๐š๐๐š ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š

RADIO MUQDISHO:-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In