Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka 60-aad ee CXD oo Lacago ku Wareejiyay Qoysaska Askar Naftooda u huray Difaaca Qaranka

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Ururka 60-aad ee CXD oo Lacago ku Wareejiyay Qoysaska Askar Naftooda u huray Difaaca Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

 Taliska Ururka 60-aad Ciidanka Xoogga Dalka ee ilaalllada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u tacsiyadeeyay Waalidiinta iyo Xaasaskii ay ka geeriyoodeen labo Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoona ku wareejiyay lacago ay iska soo Ururiyeen Ururka 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Allaha u naxariistee Labadan Askari ayaa ku geeriyootay dhacdadii Sayidka, iyagoona naftooda u huray Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, waxaana Munaasabadan lagu xasuusanayay ka qeyb galay Taliyaha Ururka 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Saraakiil iyo Qaar kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka.

Gaashaanle dhexe Cumar C.raxmaan Abuukar Abaanduulaha Madaxtooyada Qaranka oo Xaflada furay ayaa ka hadalay ulajeedadada iyo waxa ay ugu talagaleen.

“Ciidanka Ururka 60-aad ee Madaxtooyada Soomaaliya dhawaan qaraxii dhacay labo ka tirsan Askarta Ciidanka Ururka 60-aad ee Ilaalada Madaxtooyada ayaa ku geeriyootay, ciidanka oo aan u kala harin waxay go’aansadeen in Hal Bil oo ka mid ah Iidaankooda ay u jaraan dadkii ay ka geeriyoodeen Walaalahooda”.ayuu yiri Gaashaanle dhexe Cumar C.raxmaan Abuukar.

Xidigle Qadro Daahir Xuseen oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la xasuusto Askarta waxyeelada ay ka soo gaarto hawlgalka Qaranimada Soomaaliyeed.

Taliyaha Ururka 60aad  ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Xasan Maxamed Cali oo soo xiray Munaasabada ayaa xusay in Talisku  uu marwalbo diyaar u yahay in la garab qabto qoysaska Askarta geeriyootay iyo kuwa xanuunsan.

Previous Post

QM oo soo dhawaysay heshiiskii ay gaareen Uhuru Keyatta iyo Railla Odinga

Next Post

Xildhibaanada Aqalka Sare oo ka dooday weerarkii lagu qaaday Guriga Xildhibaan Cabdi Qaybdiid

Next Post
Aqalka sare oo ansixiyay sharciga Isgaarsiinta

Xildhibaanada Aqalka Sare oo ka dooday weerarkii lagu qaaday Guriga Xildhibaan Cabdi Qaybdiid

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In