Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait oo hogaan cusub doortay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait oo hogaan cusub doortay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa lagu qabtey caasimada dalka Kuwait ee Kuwait city doorasho si heer sare loo soo agaasimay oo lagu dooranayey hogaan cusub u yeesho Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait.

Doorashadan oo ay ka soo qeybgaleen ardayda wax ka dhigata Jaamacadaha kala duwan ee dalkan Kuwait aadna u xiiseynayey ka qeyb qaadashadeeda ayaa waxaa ku tartamayey xilka guddoomiyaha Ururka Ardayda labo musharax oo kala ahaa: Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulbaari iyo Naasir Axmed Haybe.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Mas’uuliyiinta kasoo qaybgashey munaasabadda doorashada ayaa waxaa kamid ahaa; Safiirka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee dalka Kuwait Danjire Cabdiqaadir Amiin , lataliyaha Safaaradda ahna kuxigeenka Safiirka Mudane Abiib Muuse Faarax, Xoghayaha labaad ee safaaradda Marwo Faadumo Saleebaan , uqaybsanaha safaarada arrimaha waxbarashada iyo dhaqanka Dr. Cabdiladiif Maxamed, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kuwait Mudane Maxamuud Xaaji Axmed iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyntii waxaa xaflada ka hadlay Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdirashiid Ayaanle oo ku booriyay ardayda kasoo qaybgalayaasha inay si hufan codkooda u dhiibtaan, sharaxaadna ka bixiyay qaabka ay doorashadu u dhacayso.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee ururka ardayda Soomaaliyeed Mudane Xuseen Maxamed Maxamuud oo goobta ka hadley ayaa isna faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey waxqabadkoodii inta ay xilka hayeen.

Khudbadaha kadib ayaa la guda galay codeynta, waxaana codeynta kadib guddiga doorashada ku dhawaaqeen natiijada markii la tiriyey codadka, iyadoo Musharax Cabdiraxmaan Cabdulbaari uu helay 79 cod halka Musharax Naasir Haybe oo aan goobta soo xaadirin uu helay labo cod, waxaana halkaas ku guuleystay Guddoomiyaha cusub ee ururka ardayda Cabdiraxman Maxamuud oo xilkan hayn doona muddo sanad ah.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait Mudane Maxamuud Xaaji Axmed oo madasha ka hadley ayaa u hambalyeeyay guddiga cusub, wuxuuna ballan qaadey in ay Jaaliyaddu garab istaagi doonto Ururka Ardayda.

Ugu dambeyntii waxaa xafladda soo xiray Safiir Cabdiqaadir Amiin oo ka hadley kaalinta ay leeyihiin ardeyda Soomaaliyeed, kuna booriyey in ay xoogga saaraan waxbarashada, wuxuuna soo dhoweeyay doorashada Gudoomiyaha cusub isla markaana ballan qaadey in ay Safaaradda ay la shaqeyn doonto.

image image image_1 image_2 image_3 image_4 image_5 image_7

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In