Sunday, December 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda oo doortay guddoomiye cusub “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda oo doortay guddoomiye cusub “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Uganda ayaa doortay guddoomiye cusub oo hogaamin doona muddo sanad ah ardayda Soomaaliyeed ee Uganda Wax ka barata.

Goobta doorashada ka dhacaysay oo ay joogeen mas’uuliyiin ka socday safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo kala ahaa Uqaybsanaha Warfaafinta Fidow Maxamuud Fiidow iyo Uqeybsanaha Waxbarashada Liibaan Xuseen Deerow ayaa waxaa ku dhawaaqay natiijada doorashada guddoomiyaha guddiga doorashada ardayda ee sanadka 2021.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Liibaan Xuseen Uqeybsanaha Waxbarashada oo ku hadlayay magaca Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub, kuna baaqay in uu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

Guddoomiyaha xilka kasii dagaya Cabdimaajid Salaad ayaa Madaxda safaaradda oo uu horkacayo safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) uga mahadnaqay dadaalka iyo garab istaaga ardayda, sheegayna in safiirka la’aantiis munaasabadan qabsoonteen.

Guddoomiyaha la doortay ee ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda Xasan Muqtaar Xasan ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono midaynta ardayda.

Sanad walba ayey ururka ardayda Soomaaliyeed ee Uganda doortaan guddoomiye si ardayda ugu tababartaan hogaaminta suuban.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo tilmaamay in shirka Londan uu ku soo gabo gaboobay guulo la taaban karo

Next Post

Wasaaradda Haweenka oo qabatay dood ku saabsan xaqiijinta qoondada Haweenka ee 30%

Next Post
Wasaaradda Haweenka oo qabatay dood ku saabsan xaqiijinta qoondada Haweenka ee 30%

Wasaaradda Haweenka oo qabatay dood ku saabsan xaqiijinta qoondada Haweenka ee 30%

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In