Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Haweenka Gobalka Banaadir oo Wado Qorshe Turkiga loogu qaadayo Dhibane Cabdi Fitaax Cali+SAWIRRO

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Ururka Haweenka Gobalka Banaadir oo Wado  Qorshe Turkiga loogu qaadayo Dhibane Cabdi Fitaax Cali+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdi Fataax Cabdulle Cali waxaa uu kamid ahaa Dadkii  Shacabka ahaa ee Maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab ay ku dhaawaceen Qaraxii ay ku qaadeey 23-kii  Bishii Maarso 2017-kii  Hotelka Dorbin ee km 0, kaasi uu dhaawac culus kasoo gaaray Xubinta Taranka iyo qaybo kale oo jirkiisa ka mid ah.

 

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Dhaqaatiirta Caafimaad kiisa gacanta kuhaayay ayaa  waxa ay sheegeen in aan Dalka gudihiisa waxba looga qaba karin, hase ahaate Ururka Haweenka Gobalka Banaadir ayaa isku xilsaaray in ay dadka Soomaaliyeed Lacago Ka aruuriyaan si loogu helo Caafimaad Dibada ah, Ururka ayaa ku guuleeystay in ay  Lacag gaareyso 60,000 oo dollar ( Lixdan kun oo doolar) ay soo uruuriyeen, waxaana lagu wadaa 13-Ka Bishaan in loo qaado Dalka Turkiga si Xaaladiisa Caafimaad wax looga qabto.

Munaasabad ku saabsan Duco iyo Sagootin  ayaa xalay loogu qabtay  Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir,Dhalinyaro,Odayaal iyo Fanaaniin, Cabdi kaafi Maxamuud Makaraan Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada  Gobalka Banaadir ayaa alle uga baryay dhibane Cabdi Fataax in asagoo Caafimaad qabo uu Dalka ku soo  laabto.

Cabdi Raxmaan Maxamed Sheekh  iyo Jawaahir Baarqab Gudoomiyaha Ururka haweenka gobolka Banaadir oo hogaaminayo Guddiga Gurmadka wax loogu  qabanaayo Dhibanaha, si loogu helo Caafimaad Dibada ah ayaa sheegay in wali Dadka Soomaaliyed looga baahanyahay Garab istaag iyo Caawinaad.

Xildhibaan Cali Saciid oo ka tirsan Golaha Wakiilada  Dowlad  gobaleed ka Hirshabeele kana mid ahaa dadkii u Gurmaday Cabdi Fataax ayaa ka codsaday Jaaliyadaha Soomaaliyeed  ee Dalka Dibadiisa ku nool in ay ka qayb qataan sidii loo Samata bixi lahaa Dhibane Cabdi Fataax.

Ugu dambeyntii Maamulka Gobalka Banaadir ayaa bixiyay qarashka ku baxaya sharciga Dal ku galka Wadanka  Turkiga iyo dib usoo Celintiisa Soomaaliya, waxaana  Maamulka ay Sheegeen in  Muwaadiniinta Soomaaliyeed  ee dhibaateysan  ay garab taaganyihiin inta ay awoodaan

Previous Post

President Farmajo receives credentials from Sudanese, Turkey Ambassadors to Somalia

Next Post

DEGDEG: MOOSHINKII HINDISAHA XIL KA QAADISTA MADAXWEYNAHA OO JABAY

Next Post
WAR DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

DEGDEG: MOOSHINKII HINDISAHA XIL KA QAADISTA MADAXWEYNAHA OO JABAY

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In