Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Haweenka Gobalka Banaadir oo Wado Qorshe Turkiga loogu qaadayo Dhibane Cabdi Fitaax Cali+SAWIRRO

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Ururka Haweenka Gobalka Banaadir oo Wado  Qorshe Turkiga loogu qaadayo Dhibane Cabdi Fitaax Cali+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdi Fataax Cabdulle Cali waxaa uu kamid ahaa Dadkii  Shacabka ahaa ee Maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab ay ku dhaawaceen Qaraxii ay ku qaadeey 23-kii  Bishii Maarso 2017-kii  Hotelka Dorbin ee km 0, kaasi uu dhaawac culus kasoo gaaray Xubinta Taranka iyo qaybo kale oo jirkiisa ka mid ah.

 

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Dhaqaatiirta Caafimaad kiisa gacanta kuhaayay ayaa  waxa ay sheegeen in aan Dalka gudihiisa waxba looga qaba karin, hase ahaate Ururka Haweenka Gobalka Banaadir ayaa isku xilsaaray in ay dadka Soomaaliyeed Lacago Ka aruuriyaan si loogu helo Caafimaad Dibada ah, Ururka ayaa ku guuleeystay in ay  Lacag gaareyso 60,000 oo dollar ( Lixdan kun oo doolar) ay soo uruuriyeen, waxaana lagu wadaa 13-Ka Bishaan in loo qaado Dalka Turkiga si Xaaladiisa Caafimaad wax looga qabto.

Munaasabad ku saabsan Duco iyo Sagootin  ayaa xalay loogu qabtay  Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir,Dhalinyaro,Odayaal iyo Fanaaniin, Cabdi kaafi Maxamuud Makaraan Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada  Gobalka Banaadir ayaa alle uga baryay dhibane Cabdi Fataax in asagoo Caafimaad qabo uu Dalka ku soo  laabto.

Cabdi Raxmaan Maxamed Sheekh  iyo Jawaahir Baarqab Gudoomiyaha Ururka haweenka gobolka Banaadir oo hogaaminayo Guddiga Gurmadka wax loogu  qabanaayo Dhibanaha, si loogu helo Caafimaad Dibada ah ayaa sheegay in wali Dadka Soomaaliyed looga baahanyahay Garab istaag iyo Caawinaad.

Xildhibaan Cali Saciid oo ka tirsan Golaha Wakiilada  Dowlad  gobaleed ka Hirshabeele kana mid ahaa dadkii u Gurmaday Cabdi Fataax ayaa ka codsaday Jaaliyadaha Soomaaliyeed  ee Dalka Dibadiisa ku nool in ay ka qayb qataan sidii loo Samata bixi lahaa Dhibane Cabdi Fataax.

Ugu dambeyntii Maamulka Gobalka Banaadir ayaa bixiyay qarashka ku baxaya sharciga Dal ku galka Wadanka  Turkiga iyo dib usoo Celintiisa Soomaaliya, waxaana  Maamulka ay Sheegeen in  Muwaadiniinta Soomaaliyeed  ee dhibaateysan  ay garab taaganyihiin inta ay awoodaan

Previous Post

President Farmajo receives credentials from Sudanese, Turkey Ambassadors to Somalia

Next Post

DEGDEG: MOOSHINKII HINDISAHA XIL KA QAADISTA MADAXWEYNAHA OO JABAY

Next Post
WAR DEG DEG:- Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

DEGDEG: MOOSHINKII HINDISAHA XIL KA QAADISTA MADAXWEYNAHA OO JABAY

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In