Tababar ku saabsan qormada Raadiyaha iyo Telefishinka oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed SWJ oo uu fududeeyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee kaalmeynta Soomaaliya (UNSOM) ayaa maanta Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.
Tababarkaan waxaa ka faa’ideystay 17 gabdhood oo saxafiyiin ah kuwaas oo ka kala socday, Koonfur galbeed, Hirshabeelle iyo Muqdisho, waxaana ujeedkiisu ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda gabdhaha warbaahinta ka shaqeeya.
Guddoomiyaha ururka SWJ Farxiya Maxamed Kheyre oo ka hadashay gabagabadii tababarka ayaa kula dardaarantay gabdhaha in ay xirfadooda hormariyaan isbedelna ku sameeyaan shaqooyinkooda maadaama ay wax badan kororsadeen, iyadoo sheegtay in ay mar walba u taaganyihiin horumarinta gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliyeed.