Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Warbaahinta Puntland oo agabka looga hortago faafidda cudurka COVID-19 ka qeybiyay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ururka Warbaahinta Puntland oo agabka looga hortago faafidda cudurka COVID-19 ka qeybiyay Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo ka duulaya ilaalinta badqabka suxufiyiinta ka howlgasha xarumaha Warbaahinta ee deegaannada Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ka qaybiyay agabka looga hortago faafidda cudurka COVID-19 iyo sidii qaybaha Warbaahintu ay isaga ilaalin lahayd safmaranka Dunida saamaynta wayn ku yeeshay.

Suxufiyiinta ayaa ah qaybaha bulshada ee nugul cudurkan maadaama ay si dhow ugu dhex jiraan qaybaha bulshada kuwaasi oo ku howlan soo gudbinta xogaha dalkeena ka jira.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Waxaa xusid mudan in deegaannada Puntland dhawaantan cudurka laga helay saxafigi ugu horeeyay ee uu cudurkani haleelo, taasi oo keentay in dadaal loo galo sidii loo heli lahaa badqabka suxufiyiinta.

Xarunta dhexe ee Warbaahinta Codka Nabadda Gaalkacyo ayaa ka mid ah meelaha la soo gaarsiiyay agabka looga gaashaanto xanunka safmarka ah ee COVID-19.

Cabdiqani Xayir oo ka tirsan Guddiga sare ee ururka ayaa soo gaarsiiyay qalabkan xarumaha Warbaahinta Gobolka Mudug, iyadoo baahi weyn loo qabay isticmaalka waqtiga shaqada si loo ilaaliyo caafimaadka suxufiyiinta.

Mid ka mid ah howlwadeennada Warbaahnta Cdka Nabadda Gaalkacyo ayaa yiri “Mahadsanidiin dhamaan madaxda ururka Warbaahinta Puntiland Caynsane Maxamed iyo Naciima Bintu Musa Dallaf sida mas’uuliyadda leh ad uga fikiraysaan suxufiyiinta ku shaqaysa marxaladda adag ee dalka ka jirta”.

Previous Post

Diyaaraddii afaraad oo dalka dib ugu soo celisay muwaadin ku xanibnaa dalka Boqortooyada Sacuudiga “SAWIRRO”

Next Post

Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Federaalka oo agab caafimaad ku wareejiyay maamulka Degmada Garbahaareey “SAWIRRO”

Next Post
Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Federaalka oo agab caafimaad ku wareejiyay maamulka Degmada Garbahaareey “SAWIRRO”

Mas’uuliyiin ka socotay dowladda Federaalka oo agab caafimaad ku wareejiyay maamulka Degmada Garbahaareey “SAWIRRO”

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In