Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wada-hadallo u dhaxeeya Afghanistan iyo Taliban oo ka furmaya Dooxa

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wada-hadallo u dhaxeeya Afghanistan iyo Taliban oo ka furmaya Dooxa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Dooxa ee dalka Qatar maanta oo sabti ah waxaa ka furmaya wada-hadallo nabadeed oo u dhexeeya dowladda Afghanistan iyo ururka Taliban, kaas oo lagu soo afmeeri doono dagaalka 20-sano ka socday dalkaas oo ay ku naf waayeen dad u badan rayid.

Xafladda furitaanka wada-hadalka waxaa ka qeybgali doona xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Saraakiil, diplomaasiyiin iyo falanqeeyeyaal ayaa sheegay in labada dhinac oo miiska wada-hadalka la isugu keeno ay tahay arrin guul ah.

“Wada xaajoodka wuxuu ka jawaabi doonaa su’aalaha waa weyn oo ay kamid tahay wadan noocee ah ayuu noqon doonaa Afghanistan” sidaa waxaa sheegay ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Afghanistan, Deborah Lyons.

Bishii February ee sanadkaan, Mareykanka iyo kooxda Taliban ayaa heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Dooxa,iyadoo qodobada heshiiskaas ay kamid aheyd in xukuumadda Kabul iyo Taliban wada hadal ku dhameeyaan dagaalka ka socda dalka.

Taliban iyo Mareykanka ayaa ku heshiisay in ciidanka ajnabiga ah ee dalkaas jooga laga saari doono marka ah heshiis wada galaan kooxda Taliban iyo Afghanistan.

Madaxweyne Trump ayaa doonaya in doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November ka hor uu soo gaba-gabeeyo dagaalka Mareykanka uu hormuudka ka yahay ee Afghanistan ka socda.

Dagaalka Afghanistan waxaa lagu dilay 2,300(laba kun iyo saddex boqol) oo askar Amerikaan ah tan iyo 2001-dii, iyadoo in ka badan 100,000 (boqol kun)oo shacab ah ay ku dhinteen colaadaas.

Tarjume: Cali C/raxmaan

Previous Post

Qaban qaabada aaska guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland marxuum Shaafi oo ka socta Kismaayo

Next Post

Turkiga oo cambaareeyay xiriirka Israel iyo Carabta.

Next Post
Turkiga oo cambaareeyay xiriirka Israel iyo Carabta.

Turkiga oo cambaareeyay xiriirka Israel iyo Carabta.

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In