Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wadahadaladii Trump iyo Kim oo markale ka furmidoona Hanoi Vietnam

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wadahadaladii Trump iyo Kim oo markale ka furmidoona Hanoi Vietnam
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga Mareykanka u qaabilsan arrimaha dalka Kuuriyada Waqooyi Stephen Biegun ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalada Pyongyang ee caasimadda Waqooyiga Kuuriya,isagoo qaban qaabinayay kulan dhexmara hogaamiyaha dalkaasi Kim Jon Un iyo Madaxweyne Donald Trump.

 

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay madaxweyne Trump in wakiilkiisa uu Pyongyang kula kulmay saraakiil k atirsan Waqooyiga Kuuriya,kuwankaasi oo uu ku tilmaamay in uu ahaa mid miro dhal ah oo guulo ku soo dhamaaday.

“Wakiilkeyga wuxuu ka soo laabtay Waqooyiga Kuuriya,kadib markii uu shir miro dhal ah uu la soo yeeshey mas’uuliyiin,waxaa la go’aamiyay waqtiga iyo meesha uu ku qabsoomayo kulanka Labaad,wuxuu ka dhicidoonaa magaalada Hanoi ee Vietnam, 27 February 2019-28,waxaan rajeynayaa in Mr Kim uu xoojin doono dhabaha nabadda”. Ayuu yiri Trump.

Waxaa lafilayaa in markale ay kulmaan labada ergay Kim Hyok-chol iyo Stephen Biegun,iyagoo xoojinaya dadaalada ku aadan dhameystirka waxyaabihii lagu heshiiyay shirkii ka dhacay Dalka Singapore,gaar ahaan in Waqooyiga Kuriya ay k atanaasusho barnaamijkeeda Nuclearka ah.

Intii uu ku sugnaa Pyongyang Ergeyga Mareykanka Stephen Biegun  wuxuu la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee Waqooyiga Kuuriya Kang Kyung-wha,iyagoo isla meel dhigay qorshaha qabsoomidda wejigii labaad ee shirkii Singapore ka dhacay,kaasi oo la qorsheynayo in lagu qabtay dalka Vietnam.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in dalka Kuuriyada Waqooyi uu noqon doono dal ku talaabsan horumar dhaqaale inta uu xilka hayo hoggaamiye Kim Jon Un,hadii laga dhabeeyo heshiisyada socda.

Previous Post

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Jubada Hoose

Next Post

Wefdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay London

Next Post
Wefdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay London

Wefdi uu horkacayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay London

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In