Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wadahadaladii Trump iyo Kim oo markale ka furmidoona Hanoi Vietnam

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wadahadaladii Trump iyo Kim oo markale ka furmidoona Hanoi Vietnam
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga Mareykanka u qaabilsan arrimaha dalka Kuuriyada Waqooyi Stephen Biegun ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalada Pyongyang ee caasimadda Waqooyiga Kuuriya,isagoo qaban qaabinayay kulan dhexmara hogaamiyaha dalkaasi Kim Jon Un iyo Madaxweyne Donald Trump.

 

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay madaxweyne Trump in wakiilkiisa uu Pyongyang kula kulmay saraakiil k atirsan Waqooyiga Kuuriya,kuwankaasi oo uu ku tilmaamay in uu ahaa mid miro dhal ah oo guulo ku soo dhamaaday.

“Wakiilkeyga wuxuu ka soo laabtay Waqooyiga Kuuriya,kadib markii uu shir miro dhal ah uu la soo yeeshey mas’uuliyiin,waxaa la go’aamiyay waqtiga iyo meesha uu ku qabsoomayo kulanka Labaad,wuxuu ka dhicidoonaa magaalada Hanoi ee Vietnam, 27 February 2019-28,waxaan rajeynayaa in Mr Kim uu xoojin doono dhabaha nabadda”. Ayuu yiri Trump.

Waxaa lafilayaa in markale ay kulmaan labada ergay Kim Hyok-chol iyo Stephen Biegun,iyagoo xoojinaya dadaalada ku aadan dhameystirka waxyaabihii lagu heshiiyay shirkii ka dhacay Dalka Singapore,gaar ahaan in Waqooyiga Kuriya ay k atanaasusho barnaamijkeeda Nuclearka ah.

Intii uu ku sugnaa Pyongyang Ergeyga Mareykanka Stephen Biegun  wuxuu la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee Waqooyiga Kuuriya Kang Kyung-wha,iyagoo isla meel dhigay qorshaha qabsoomidda wejigii labaad ee shirkii Singapore ka dhacay,kaasi oo la qorsheynayo in lagu qabtay dalka Vietnam.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in dalka Kuuriyada Waqooyi uu noqon doono dal ku talaabsan horumar dhaqaale inta uu xilka hayo hoggaamiye Kim Jon Un,hadii laga dhabeeyo heshiisyada socda.

Previous Post

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Jubada Hoose

Next Post

Wefdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay London

Next Post
Wefdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay London

Wefdi uu horkacayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Dalka oo xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay London

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In