Wednesday, November 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waddo isku xirta degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Waddo isku xirta degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadadan oo uu dhagax dhigay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxey dhax martaa Degmooyinka Cabdacaziis iyo Kaaran, sidoo kale waxey wadadan isku xirtaa Isbitaal Keysaney ilaa iyo Saldhigga Bari ee Degmada Cabdacaziis.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa waddadan ugu tala galay in dib u dhis lagu sameeyo isla markaana laami la saaro, waxaana dhismaha waddadan ka mahad celiyay Guddoomiyaha Degmada cabdacaziis oo ku hadlaayay codka Maamulka labada Degmo ee Kaaran iyo Cabdacaziis.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dhiirigelisay ganasatada ka qeybgashay Bandhigga 25aad ee EAC

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dhiirigelisay ganasatada ka qeybgashay Bandhigga 25aad ee EAC

November 11, 2025
Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

November 10, 2025

“Maanta farxadeyda lama qayaasi karo sababtoo ah dhismaha waddadan waxaan ku taameynay halsano, hasa ahaate hadda ayaan ku geeleysanay inaan xilligeedi imaano waxaana u mahad celinayaa ganacsatada bulshada reer Kaaran iyo Cabdacaziis iyo maamulka Gobalka Banaadir”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada C/casiis.

Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo Amniga ee maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa warbaahinta u sharxay dhismaha waddadani.

“Waddadan qorshaheeda muddo ayey soo socotay, hasa ahaate hadda ayaa lagu guulestay in uu Duqa Magaalada dhagax-dhigo waddadan waxey isku xirta Saldhiga bari ee Degmada Cabdaciiz iyo Isbitaal Keysaney” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasada ee gobolka Benaadir.

Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax oo kamid ah mudanayaasha golaha Shacabka ayaa tilmaamay in dhismaha waddooyinka ay ahmiyad gaar ah u leedahay bilicda iyo horumarka Caasimadda.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta dhagax dhiga ka hadlay waxa uu sheegay in sanadkan 2017 uu maamulka Gobalka dhisi doono qaar badan oo kamid ah wadooyinka caasimadda ku yaala, si loo soo celiyo bilicdii ay magaaladu lahayd.

16298410_410647335938237_7344351571478250605_n 16298485_410646462604991_4779094668934850722_n 16298614_410646055938365_2548603676227950199_n 16298780_410646619271642_5652634396316741335_n 16299026_410647079271596_2953668361103392741_n 16299176_410647302604907_2696545508650441041_n 16299194_410646415938329_7681264598888800334_n 16299486_410646525938318_6489469647450452529_n  16387122_410646959271608_849141433957158544_n 16387212_410645945938376_1577224620573029851_n 16387923_410645629271741_1084501728991223319_n (1) 16387923_410645629271741_1084501728991223319_n 16388391_410645855938385_1690182290688447527_n 16425795_410646272605010_8601467734762957618_n 16426183_410646482604989_1184725930588986313_n 16427788_410645692605068_5063357839665576423_n 16427794_410646552604982_8419549318696738931_n 16472871_410646112605026_8139523818990338672_n 16473023_410646145938356_5632451475670439241_n 16473105_410645985938372_6917937067270107104_n 16473111_410647249271579_1548209940210901433_n 16473978_410646222605015_358308839082050456_n

Nuur Saciid Tahliil

 

Previous Post

Ciidamo ka tirsan laamaha amniga oo howlgallo ka sameeyay Degmada Balanbal “SAWIRRO”

Next Post

RW Ku-Xigeenka dalka oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga doorashada Madaxtooyada “SAWIRRO”

Next Post
RW Ku-Xigeenka dalka oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga doorashada Madaxtooyada “SAWIRRO”

RW Ku-Xigeenka dalka oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga doorashada Madaxtooyada "SAWIRRO"

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dhiirigelisay ganasatada ka qeybgashay Bandhigga 25aad ee EAC

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo dhiirigelisay ganasatada ka qeybgashay Bandhigga 25aad ee EAC

November 11, 2025
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhiirigelisay ganacsatada Soomaaliyeed ee ka qeybgashay Bandhigga ganacsiga 25-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha...

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka hortagga afduubka

November 10, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindse Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaallanka burcad badeedada iyo ka...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

November 10, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, oo...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

November 10, 2025
0

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada, kaas oo ay ka qeyb-gali doonaan wasaaradaha arrimaha gargaarka ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In