Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ay Hoggaamineyso Wasiirka Caafimaadka DFS oo Baydhabo Gaaray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wafdi ay Hoggaamineyso Wasiirka Caafimaadka DFS oo Baydhabo Gaaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiin Ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay Ugu Horeeyaan Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed, iyo bahda Caafimaadka Magaalada Baydhabo ayaa garoonka diyaarada Baydhabo Ku soo dhaweeyey Wafdi ay hogaamineyso Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur.

Dr Ahmed Al-Mandhari iyo Dr Maalik oo ah Masuuliyiinta Ugu sareysa Hay’adaha WHO iyo UNICEF ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa wafdiga,soo dhaweyn kadib waxaa ay booqasho ku tageen Mid kamid ah Kaamamka Baydhabo Kuyaala oo xiligaasi kasocotey Fulinta adeegyo caafimaad oo loo fulinayo bulshada, Waxaana Halkaasi si wadajir ah Madaxda Wasaaradda Caafimaadka DFS iyo tan Koonfur Galbeed, masuuliyiinta Hay’adaha WHO iyo Unicef ay ugu daah fureen ololaha Talaalka Qaran ee Jadeecada iyo Dabeesha 2019 .

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

intaasi kadib wafdiga ayaa siwadajir ah ubooqdey isbitaalka Guud ee Gobolka Baay,halkaasi oo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen Maamulka isbitaalka iyo shaqaalaha guud ee halkaasi ka hawlgala,Waxaana mid mid ay ubooqdeen qeybaha kaladuwan ee isbitaalku ka kooban yahay.

Wasiirka Wasaradda caafimaadka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Mohamed Osman Haji ayaa aad ugu mahad naqey booqashada Masuuliyiinta Hay’adaha iyo wasaaradda Caafimaadka Federalka ay baydhowa kusoo gaareen wuxuuna sheegey inay gacan kageysan doonaan fulinta adeegyo caafimaad oo loo qabanayo bulshada.

Masuuliyiinta Hay’adaha WHO iyo Unicef oo ayaguna hadley ayaa waxay sheegeen in ay gacan buuxda kageysan doonaan sidii wasaaradda caafimaadka KGS gacan buuxda ay ugu siin lahaayeen fulinta Adeegyo caafimaad oo dhameystiran.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kahadashey safarka ay baydhabo ku gaartay ayaa kamahad celisey sida diiran ee loo soo dhaweeyey waxaana ay sheegtey in wasaaraddu ay dardargalin doonto Olalaha talaalka Qaran 2019 oo ay baydhabo kudaahfurey sidoo kale na ay fulin doonaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Ugu dambeyntii wafdiga ayaa xaruunta madaxtooyada Baydhabo kula kulmey Musimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed soomaaliya, halkaasi oo ay kaga warbixiyeen ujeedkooda ugu weyn ee safarka baydhabo kuyimaadeen iyo waxyaabihii ay kusoo arkeen goobaha ay booqashada kutageen, kusimaha madaxweynaha ayaana aad ugu mahad naqey daahfurka Olalaha talaalka Jadeecada iyo Dabeesha iyo booqashadooda Kaamamka iyo isbitaalka Guud ee Gobolka.

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha baarlamaanka Mudane Abduqaadir shariif sheekhuna ayaa ugu Madaxda ugu mahad naqey booqashadooda baydhabo wuxuuna si gaar ah kaga mahad celiyey mashruuca ay baydhowa kadaahfureen oo muhiim u ah dadka iyo deegaanka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wakiilllada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Guddoomiyay Shir looga Hadlay Hagaajinta Qaab-dhismeedka Isku-dubba-ridka Gargaarka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Guddoomiyay Shir looga Hadlay Hagaajinta Qaab-dhismeedka Isku-dubba-ridka Gargaarka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Guddoomiyay Shir looga Hadlay Hagaajinta Qaab-dhismeedka Isku-dubba-ridka Gargaarka

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In