Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ay Hoggaamineyso Wasiirka Caafimaadka DFS oo Baydhabo Gaaray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wafdi ay Hoggaamineyso Wasiirka Caafimaadka DFS oo Baydhabo Gaaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiin Ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay Ugu Horeeyaan Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed, iyo bahda Caafimaadka Magaalada Baydhabo ayaa garoonka diyaarada Baydhabo Ku soo dhaweeyey Wafdi ay hogaamineyso Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur.

Dr Ahmed Al-Mandhari iyo Dr Maalik oo ah Masuuliyiinta Ugu sareysa Hay’adaha WHO iyo UNICEF ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa wafdiga,soo dhaweyn kadib waxaa ay booqasho ku tageen Mid kamid ah Kaamamka Baydhabo Kuyaala oo xiligaasi kasocotey Fulinta adeegyo caafimaad oo loo fulinayo bulshada, Waxaana Halkaasi si wadajir ah Madaxda Wasaaradda Caafimaadka DFS iyo tan Koonfur Galbeed, masuuliyiinta Hay’adaha WHO iyo Unicef ay ugu daah fureen ololaha Talaalka Qaran ee Jadeecada iyo Dabeesha 2019 .

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

intaasi kadib wafdiga ayaa siwadajir ah ubooqdey isbitaalka Guud ee Gobolka Baay,halkaasi oo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen Maamulka isbitaalka iyo shaqaalaha guud ee halkaasi ka hawlgala,Waxaana mid mid ay ubooqdeen qeybaha kaladuwan ee isbitaalku ka kooban yahay.

Wasiirka Wasaradda caafimaadka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Mohamed Osman Haji ayaa aad ugu mahad naqey booqashada Masuuliyiinta Hay’adaha iyo wasaaradda Caafimaadka Federalka ay baydhowa kusoo gaareen wuxuuna sheegey inay gacan kageysan doonaan fulinta adeegyo caafimaad oo loo qabanayo bulshada.

Masuuliyiinta Hay’adaha WHO iyo Unicef oo ayaguna hadley ayaa waxay sheegeen in ay gacan buuxda kageysan doonaan sidii wasaaradda caafimaadka KGS gacan buuxda ay ugu siin lahaayeen fulinta Adeegyo caafimaad oo dhameystiran.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kahadashey safarka ay baydhabo ku gaartay ayaa kamahad celisey sida diiran ee loo soo dhaweeyey waxaana ay sheegtey in wasaaraddu ay dardargalin doonto Olalaha talaalka Qaran 2019 oo ay baydhabo kudaahfurey sidoo kale na ay fulin doonaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Ugu dambeyntii wafdiga ayaa xaruunta madaxtooyada Baydhabo kula kulmey Musimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed soomaaliya, halkaasi oo ay kaga warbixiyeen ujeedkooda ugu weyn ee safarka baydhabo kuyimaadeen iyo waxyaabihii ay kusoo arkeen goobaha ay booqashada kutageen, kusimaha madaxweynaha ayaana aad ugu mahad naqey daahfurka Olalaha talaalka Jadeecada iyo Dabeesha iyo booqashadooda Kaamamka iyo isbitaalka Guud ee Gobolka.

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha baarlamaanka Mudane Abduqaadir shariif sheekhuna ayaa ugu Madaxda ugu mahad naqey booqashadooda baydhabo wuxuuna si gaar ah kaga mahad celiyey mashruuca ay baydhowa kadaahfureen oo muhiim u ah dadka iyo deegaanka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wakiilllada Saaxiibbada Caawiya Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Guddoomiyay Shir looga Hadlay Hagaajinta Qaab-dhismeedka Isku-dubba-ridka Gargaarka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Guddoomiyay Shir looga Hadlay Hagaajinta Qaab-dhismeedka Isku-dubba-ridka Gargaarka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Guddoomiyay Shir looga Hadlay Hagaajinta Qaab-dhismeedka Isku-dubba-ridka Gargaarka

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In