Wafdigan ka socday Hay’adda culimada Soomaaliya, gudiga Dastuurka ee Barlamaanka, Guddiga Arrimaha gudaha ee Barlamaanka, Guddiga Xaduudaha Qaranka iyo guddiga dib u heshiisinta ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar si ay ugu kuur galaan shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Masuuliyiintan ayaa tagay holka shirka maamul u sameynta xili ergada shirka ay ku howlaneed ka doodista qabya qoraalka Dastuurka.
Guddoomiya Gobolka SH/dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaaawe ayaa ku soo dhaweeyay wafuudo u timid shirka Jowhar Gobolka SH/dhexe, isagoo tilmaamay inay rajaynayaan guuleysiga shirka.
Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Cismaan Ibraahim Axmed iyo Cabdulkhaaliq Cabdulaah oo ah xubin ka socday guddiga xaduudah iyo Federaalka ayaa bogaadiyay shirka ergada ay ku ansixinayaan dastuurka.
Gudoomiyaha Gudiga dastuurka ee barlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maryan Cariif iyo Guddoomiye kuxigeenku gudiga arrimaha ku gudha iyo amniga Barlamaanka XIldhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka hadlay sida ay muhiimka u tahay is waafajinta qabya qoraalka dastuurka Hiiran iyo Sh/dhexe iyo kan Qaranka.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada arrimaha iyo Federaalka Yaxye Cali Ibraahim gabagabdii sheegay in dowladda ay rajaynayso in shirku ku dhamaado jadwalka looga talagalay oo ah on 15 ka bishan la soo xero.