Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi Ka socda Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo K/Galbeed oo booqasho ku tagay Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wafdi Ka socda Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo K/Galbeed oo booqasho ku tagay Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn
Wefdigaan waxaa qayb ka ahaa guddoomiyaha gudiga qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed Axmed Saahir Nuur, Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Darwiish, Wasiirka arrimaha haweenka Jubbaland Qamar Deeq khalif waxaa dhanka kale weftigan qayb ka ahaa labo sargaal oo ka tirsan hay’adda UNHCR xafiskeeda Soomaaliya.

Wefdigaan ayaa kulan kula qatay xafiska hay’ada UNHCR xerada qaxootiga ee Xagardheer gudoomiyaasha xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Ugu horeyn Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Darwish ayaa la hadlay guddiga qaxootiga, wuxuuna sheegay in sababta ay u hakiyeen qaxootiga ay tahay in ay doonayaan xuquuq ay helaan dadka soo laabanaya.
Axmed Daahir Gudoomiyaha gudiga qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed oo isna la hadlay guddiga qaxootiga ayaa yira cid kasta oo Soomaaliyeed oo dooneysa Soomaaliya in ay ku soo noqoto waa u xor cid laga hor istaagayo ma jirto, dowladuna way gacan qabaneysaa, waxuu intaas ku daray in guddiga uu guddoomiyaha u yahay ay wadan dadaal dheer oo ay wax ugu qabanayaan qaxootiga Soomaaliyeed.

Dhanka kale qaar ka mid ah qaxootiga ayaa u mahadceliyay mas’uuliyyinta dowladd,a iyagoo yira waan ugu mahadcelinaynaa Guddoomiyaha guddiga qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed sida uu u garab taaganyahay qaxootiga Soomaaliyeed.

Safiirka dowladda Soomaaliya ee Kenya Danjire Jamaal Maxamed Xasan iyo Qunsul Cali Sheekh Maxamed(Cali bagadi) ayay tilmaameen inay markasta garab qabtaan qaxootiga Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii in ka badan 30,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ayaa mudooyinka ugu dambeeyay si iskood ah ugu laabtay Soomaaliya gar ahaan gobolada Jubooyinka, Gedo, Baay,Bakool iyo weliba gobolka Banaadir halka xiligan in ka badan 28,000 u diiwaangashan yihiin in si iskood ah ugu laabtan Soomaaliya

20161121_15385820161121_15390120161121_153903img-20161121-wa0002img-20161121-wa0003

by:Axmednuur Maxamed Cabdullahi(Yogol) Radio Muqdisho

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
Previous Post

Xuska maalinta macalinka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha “Guulo badan ayuu gaaray mashruuca dalkaaga dhiso”

Next Post
Madaxweynaha “Guulo badan ayuu gaaray mashruuca dalkaaga dhiso”

Madaxweynaha “Guulo badan ayuu gaaray mashruuca dalkaaga dhiso”

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In