Wednesday, December 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda dowladda oo booqasho ku jooga Dalka Rwanda “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda dowladda oo booqasho ku jooga Dalka  Rwanda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Axmed Nuur Yuusuf, ayaa booqasho ku jooga Magaalada Kigali Caasimadda Dalka Rwanda.

Ujeedka safarkooda ayaa ah xoojinta wadashaqeynta Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha Deegaanka ee Dalka Rwanda iyo sidii Dowladda Soomaaliya ay khibrad uga heli laheyd hab ka maareynta qashinka iyo hirgelinta shuruucda Deegaanka maadaama uu Agaasinka Deegaanka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku howlanyahay soo saarista Siyaasada Qaran ee Maaraynta Qashinka Dalka (Somali National Waste Management Policy).

Related posts

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

December 10, 2025
Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

December 10, 2025

Wafdiga ayaa kulamo kala duwan la qaatay madax iyo khubaro ka socotay Wasaaradaha, Hey’adda Dowladda Rwanda ee ka shaqeeya arrimaha Deegaanka iyo Dowladda Hoose ee caasimadda Kigali ee Dalka Rwanda.

Waxaa uu wafdig warbixino ku saabsan sida ay u shaqeyso Wasaaradda Deegaanka uu ka dhageystay khabiir ka socday Wasaaraddaas, sidoo kale wafdiga waxaa uu la kulmay hey’adda Rwanda Green Fund, Hey’adda Maareeynta Deegaanka ee Dalka Rwanda (REMA), iyagoo soo bandhigay qaabka wadashaqeynta iyo hey’adahaas iyo halgankooda illaalinta bedqabka deegaanka halka aya kasoo bilaaween iyo sida Soomaaliya cashar uga qaadan karto.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka  ayaa la kulmay dhigiisi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Dalka Rwanda Marwo Beatrice Cyiza,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada hey’adood iyo sidoo kale labada dhinac caqabadaha ka jira iyo guulaha la gaaray.Wafdiga ayaa waxa ay booqasho gaaban ku tageen goobo kala duwan oo lagu maareeyo qashinka adag iyo midka elektoroonika ah.

Ugu dambeyn wafdiga ayaa waxa casho sharaf u sameeyay mas’uuliiyin ka socotay  hey’adda iskaashiga caalamiga ee Rwanda oo ka tirasan Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas, iyagoo  ka wada hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeynta arrimaha deegaanka ee ka dhaxeysa labada dal iyo in laga shaqeeyo kulamo xiga oo heshiisyo is afgarad lagu gaaro.

Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo xarigga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Tababar ku saabsan sugida Amniga doorashooyinka oo laga furay Bosaaso “SAWIRRO”

Next Post
Tababar ku saabsan sugida Amniga doorashooyinka oo laga furay Bosaaso “SAWIRRO”

Tababar ku saabsan sugida Amniga doorashooyinka oo laga furay Bosaaso "SAWIRRO"

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

December 10, 2025
0

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December) ayaa sanadkan si gaar ah diiradda u saaraysa kor u qaadista...

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

December 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa kulan soo-dhoweyn, xog-wareysi, iyo dardaaran ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

December 9, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u...

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

December 9, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Midowga Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aaden Abuukar Cismaan (Suufi Yare) oo hoggaaminaya xubno ka tirsan Golayaasha Culimada ayaa booqasho...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In