Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda dowladda Sweden iyo UNDP oo booqday xarunta hay’adda SoDMa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda dowladda Sweden iyo UNDP oo booqday xarunta hay’adda SoDMa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi isugu jira dowladda Sweden, Hay’adda Horumarinta caalamka ee Sweden (SIDA) iyo madax ka socotay UNDP ayaa maanta waxa ay booqasho ku kala tageen xarumaha kala duwan ee Hay’adda SoDMA, waxaana ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo ku xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan.

Wafdigaan ayaa ugu horreyn waxa ay booqashadooda ku hormareen xarunta Qaran ee howlgalada gurmadka deg-deg ah, iyaga oo kormeeray xafisyada kala duwan ee xaruntan oo ay dowladda Sweden maalgalisay dhismaheeda, waxaana dhanka kale warbixin kooban siiyey wafdigan Maareeyaha xarunta NEOC Xasan Cabdulqaadir, isaga oo uga warbixiyey guulaha hay’adda gaartay, qorshayaasha hay’adda, caqabadaha iyo howlaha hortabinta u leh hay’adda SoDMA

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

March 7, 2026

Dhanka kale wafdigaan ayaa intaa kadib waxa ay kormeer ku tageen xarunta dhexe ee SoDMA, iyaga oo halkaas kulan kula qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, waxaana sidoo kale ay kormeer ku tageen xarunta ka digista halis-wadareedka ee SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay dowladda Sweden taageerada ay ku bixiso dhismaha xarunta NEOC ee hay’adda SoDMA, iyo sida ay marwalba u garab taaganyihiin guud ahaan Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa “ Hawlgalka Atalanta waxa uu saldhig u ahaa kor u qaadidda badqabka iyo amniga guud ee Badda Soomaaliya”.

Next Post

Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo DFS ku taageeray diidmada heshiis beenaadkii Itoobiya iyo maamulka Somaliland

Next Post
Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo DFS ku taageeray diidmada heshiis beenaadkii Itoobiya iyo maamulka Somaliland

Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya oo DFS ku taageeray diidmada heshiis beenaadkii Itoobiya iyo maamulka Somaliland

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga qayb galay, magaalada Arusha ee dalka Tanzania, Meertada 25-aad ee...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

March 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa galabta magaalada Muqdisho si ramsi...

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

March 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahin Maxamed Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐚𝐫𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐞𝐞 𝐢𝐬𝐤𝐮𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤a

March 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa furey Mashruucan oo ay ka faa’iideysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In