Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda maamulka Koonfur galbeed oo dawooyin gaarsiiyay Qansax dheere

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ciidamada ammaanka oo gaari qarax siday ku fashiliyay deegaanka Buqaqble
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobalka  Baay ee Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya  iyo mas’uuliyiin kale oo maamulkaasi ka tirsan ayaa maanta socdaal ku tegay degmada Qansax dheere, halkaasi oo ay ugu kuur galayaan xaaladda nololeed iyo tan amni ee degmada.

Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed Guddoomiyaha gobolka Baay oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay kulamo la qaateen odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada, maadaama ay ka midtahay goobihii dhawaan laga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana ay kala hadlayaan sidii ay ula shaqeyn lahaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

“Socdaalkeena waxa uu ku qotomaa in aan kulamo la qaadano qeybaha bulshada, si dib loogu soo celiyo adeegyada bulshada, maadaama ay magaalada ay ahayd meel go’doon ku jirtay, waxaana geeynayay daawooyin nuucyo kala duwan leh, si ay u helaan adeegyo caafimaad” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha gobolka Baay ayaa xusay inay joogteeynayaan kormeerka ay ku tegayaan deegaannada laga sifeeyay maleeshiyada Al-Shabaab, si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan deegaannada lagala wareegay Al-Shabaab.

Shalay ayay ahayd markii Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee dalka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadna ay kormeer ku tegeen degmada Bardaale, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen qeybaha bulshada, isagoo balan qaaday in dib u dhis lagu sameyn doono xarumaha aas aasiga u ah adeegyada bulshada.

 

Previous Post

Maxamed Cali Ameeriko oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay Garoowe “SAWIRRO

Next Post

Wasaaradda caafimaadka oo qorsheyneyso inay dawooyin gaarsiiso deegaannada laga saaray Al-Shabaab

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Wasaaradda caafimaadka oo qorsheyneyso inay dawooyin gaarsiiso deegaannada laga saaray Al-Shabaab

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In