Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Masar oo sii diiran loogu soo dhaweeyay Akadeemiyada booliska ee Jen. Kaahiye “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wafdi ka socda Masar oo sii diiran loogu soo dhaweeyay Akadeemiyada booliska ee Jen. Kaahiye “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi balaaran uu hogaaminayo kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Masar ugu qaabilsan arrimaha Afrika Maxamed Idris oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa kormeeray dugsiga tababbarka booliska ee Jeneraal Kaahiye,  waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliya Xigeenka Booliska, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha diabdda.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa wafdiga si diiran ugu soo dhaweeyay dugsiga Jeneraal Kaahiye, iyagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Wafdi ayaa ku soo wareegay qeybaha ay ka koobantahay dugsiga tababbarka booliska ee Jeneraal Kaahiye, iyadoo munaasabad lagu soo dhaweynayo ay goobta ka sameeyeen ciidanka booliska iyo fanaaniinta kooxda Heegan, kuwaasi oo goobta ka qaaday suugaan afka carabiga ah ku saabsan, taasi oo qiiro gelisay kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Masar ugu qaabilsan arrimaha Afrika Maxamed Idris iyo wafdigii la socday.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in wafdi ka socda dowladda Masare ay soo gaaraan Muqdisho, isla markaana kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyo Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab.

kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Masar ugu qaabilsan arrimaha Afrika Maxamed Idris ayaa sheegay in Masar ay gacan ka geysan doonto dib u dhiska ciidanka booliska.

 

A1 A2 A3 A4_1 A5_1 A6 A7 A9 A10 A11 A12 A13 A15 A16 A17 A18 A19 A20 A21 A22 A23 A25 A27 A28

Previous Post

Shan sano kadib dib u howlgalinta SNTV”Dhageyso Barnamij gaar ah”

Next Post

Dowladda Faradaraalka Soomaaliya iyo Puntland oo heshiis ku kala saxiixday Garoowe

Next Post
Dowladda Faradaraalka Soomaaliya iyo Puntland oo heshiis ku kala saxiixday Garoowe

Dowladda Faradaraalka Soomaaliya iyo Puntland oo heshiis ku kala saxiixday Garoowe

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In