Wafdi ka socday shirkadda Akkon Lines ee dalka Türkiye ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Dekedda Magaalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), iyagoo u kuur-galay howlaha dekedda iyo fursadaha iskaashi ee dhinaca rarista konteenarada iyo logistics.
Booqashadan ayaa muujineysa xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Dowladaha Türkiye iyo Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta adeegyada maraakiibta iyo isku xirka dekedaha.










