Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha Guddaha iyo dib uheshiisiinta Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.
Wafdiga wasiirka waxaa kamid ah wasiirka Amniga, dhalinyarada iyo beeraha Koofur Galbeed, saraakiil katirsan ciidamada qalabka sida iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka shabeellaha Hoose.
Wafdiga ayaa kulamo la qaadan doona maamulka magaalada Marka, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.