Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo soo gaaray Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South Africa Mudane Thabo Mbeki ayaa soo gaaray Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho, iyoo uu soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wakiilada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhoweynta kaddib waxaa loo galbiyay qolka nasashada ee garoonka halkaas oo kulan isxog wareysi ah ku wada qaateen wafdiga iyo mas’uuliyinta uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha  Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xaamud ayaa Warbaahinta u sheegay in wafdiga ay kulamo la qaadan doonaan madaxda dalka.

Guddiga uu hogaaminayo Madaxweynihii hore Wadanka Koofur Afrika Thabo Mbeki ayaa Midowga Afrika u xil saareen xalinta khilaafaad ka jira Qaaradda Afrika, ayagoo ka soo shaqeyay dalka Suudaan, inta ay wadanka joogaan waxaa ay la kulmi doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay la kulmi doonaan u qeybsanayaasha Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Francico Madiera iyo James Swan.

 

Previous Post

Gudoomiyaha degmada Raageceelle oo ka hadlay howlgallo lagu sugayo amniga”Dhageyso wareysiga”

Next Post

Guddoomiye Najax” Dhallinyaro gaareysa 400 ayaan tababar Boolis uga furnay Gobolka Shabeellaha Hoose”

Next Post
Guddoomiye Najax” Dhallinyaro gaareysa 400 ayaan tababar Boolis uga furnay Gobolka Shabeellaha Hoose”

Guddoomiye Najax” Dhallinyaro gaareysa 400 ayaan tababar Boolis uga furnay Gobolka Shabeellaha Hoose”

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In