Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo  Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si diiran loogu soo dhaweeyay Caabudwaaq “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo  Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si diiran loogu soo dhaweeyay Caabudwaaq “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaa,inayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Dalka waxaa Caabudwaaq ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xubno ka socday Dowlad Goboleedka Galmudug iyo dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo sitay caleemo qoyan iyo sawirada Ra’iisul Wasaaraha.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo khudbad u jeediyay mas’uuliyiinta iyo dadweynihii ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Caabudwaaq ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay sida diiran ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdiga la socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in dib u heshiisiin dhab ah la dhex dhigo bulshada wad degta deegaannada Galmudug.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa caawa lagu wadaa inay kulamo la qaataan qeybaha bulshada ee ku dhan Caabudwaaq.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo socdaal dhulka ah ku maraya qaar ka mid ah magaalooyinka Gobolka Galgaduud ayaa horey u tegay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyadoo la qorsheynayo in uu tego magaalooyin kale.

Shalay ayay ahayd markii wafdi uu hogaaminayo Wasiir ku-xigeenka Batroolka ay gaareen magaalada Caabudwaaq, kuwaasi oo hore dhac u ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

 

Previous Post

Shirka dhameystirka maamulka Hawada Soomaaliya oo lagu soo gaba-gabeeyay Addis Ababa “SAWIRRO”

Next Post

FURSAD SHAQO HIRSHABELLE

Next Post

FURSAD SHAQO HIRSHABELLE

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In